Warar goordhow naga soo gaaray Baydhabo ayaa sheegaya in qaar kamid ah Taagyeeriyaasha 6da Gobol Ee Magaalada Baydhabo oo kasoo laabtay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii maalintii la aasaasay Ururkii Xurnimodoonka Koonfur Galbeed ee RRA ay gubeen Sawirka Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Muqdisho C/weli Sheekh Axmed.
Halkan Ka Daawo Sawirka RW oo ay ku cii; baxeen Taagyeeriyaasha 6da Gobol.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in gubista Sawirka Ra’iisal wasaare C/weli ay timid ka gadaal markii Madaxdii ka qeybgashay Xuska RRA ay jeediyeen khudbado ka hadlayay habdhaqanka C/weli Sheekh oo lagu tilmaamay inuusan aheyn Ra’iisal wasaare Soomaaliyeed, balse uu yahay Ra’iisal wasaare Beeleed.
Qaar kamid ah dadweynihii ka qeybgalay Munaasabada ayaa durbaba bilaaway inay dab qabadsiiyaan Sawirka Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Muqdisho C/weli Sheekh Axmed, waxaana markii danbe Mas’uuliyiinta ka qeybgashay Munaasabada ku guuleysteen in dejiyaan dadkii careysnaa ee gubay Sawirka C/weli Sheekh Axmed.Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa hada ah mid degan.
Idale News Online, Baydhabo.