Warbxin: Furaha Doorashada Somalia 2016 Wuxuu jeebka Ugu Jiraa Shariif Xasan iyo Beeshiisa Digil Mirifle

0
184

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la ogsoon yahay awooda uu ku dhex leeyahay baarlamaanka  FederalkaSoomaaliya iyo siyaasadda dalka ayaa markaan wacad ku maray in Digil iyo Mirifle u tartami doonin Guddoomiye Baarlamaan.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden oo ah siyaasi mudo 12 sano gudahood ka qalin jabiyay siyaasaddaha Soomaaliya, ayaa  Sida La Sheegey  Beesha Digil iyo Marifle ka dhammeeyay inaanay u tartamin guddooomiye Baarlamaan 2016, waxaana miiska u saaran inuu hor istaago damaca beelaha Hawiye iyo Daarood oo tan iyo xornimadii Soomaaliya 1960-kii ku tartamayay xilalka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa miiska u saaran labo siyaasi oo xilal kasoo qabtay xukuumadihii danbe. C/rashiid Xiddig oo hadda ah Xildhibaan iyo wasiiru dowle kana soo jeeda beesha Ogaadeen iyo Mustaf Dhuxuloow oo soo noqday Wasiirkii warfaafinta, isna beesha Murasade ee Hawiye ku abtirsada ayaa lagu shar jabinayaa siyaasadda beelaha ay kasoo jeedaan iyo damaca labada jago ee Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare.

Madaxweyne Shariif Xasan oo ku caan baxay is rog-rogida siyaaasadaha adag ayaa la sheegey inuu maalgelinayo C/rashiid Xiddig oo beesha Daarood dhabar jab ku noqon doona haddii uu u tartama xilka Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Mustaf Dhuxuloow oo lagu taageerayo inuu shar jabiyo beesha Hawiye.

Labadaasi siyaasi aymi doona Guddoomiyaha baarlamaanka ka hor inta aan la gaarin tartanka doorashada Madaxweynaha.

Midkood haddii uu xilka guddoomiyaha baarlamaanka kusoo baxo waxaa baabi’i doona damaca beelaha Hawiye iyo Daarood ee labada jago is laheysiiyay.

Labada nin ee Mustaf Dhuxulow iyo C/rashiid Xiddig waxay saaxiibo dhow la yihiin  Madaxweyne Shariif Xasan waana qaraabo hoose meel ayay iska soo galaan, si hoosena wey iska war qabaan.

Ugu dambeyntii,  Madaxweyne Shariif Xasan tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu beesha caalamka u sheegaayay inaanay caddaalad ahayn in beesha Digil iyo Mirifle tan iyo 1960kii guddoomiye baarlamaan ahaadaan. “taasi waa dhammaatay” ayuu yiri “waxaana xaq u leenahay inaan Madaxweyne ama Ra’iisul wasaare helno” ayuu raaciyay.