Baydhabo(INO)–Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa waxa si xawli ah ugu soo badanayo Suuqaq lagu iibiyo hilibka sagaarada, isla markaana qaar ka mid ah Dan yarta Magaaladaasi ay bilaabeen ka ganacsiga Hilibka Sagaarada oo laga keeno Deegano hoostaga Degmada Baydhabo Janaay.
Sagaarada ayaa waagi Hore waxa kiinj jirey Qolo Ku Caan ah isla markaana Xirfad u ah dilista iyo qalida Sagaarada oo Loo Yaqaano Eeylo oo ka mid Qabaa’ilda Soomaaliyeed isla markaana Ka Tirsan Beesha Raxanweyn, Balse hada rag kale ay bilaabeen U Gaarsiga Sagaarada.
Gedisleyda ka ganacsata Hilibka sagaarada ee Magaalada Baydhabo, Kuwaasoo Durbaba la wareega Sagaaarada, Markii ay keenaan Eeylada ayaa waxay sheeegeen in ay helaan Faa’ido badan ayna ka sii iibinayaan Dad kale kuwasoo Macaamiil u ah oo Loo geeyo , isla markaana kuwa keenana iyaguna ay fududahay in laga wareego badeecada ay keeneen.
Markii aad Tagdo Subaxdii hore iyo Galabtii xaafada Horseed ayaa waxaad arkeysa tiro dad ah kuwaaso ku mashquulsan iibsiga Hilibka Sagaarada, kuwasoo Sida Idale News Online Ay u Sheegeen uu yahay Hilib ka wanaagsan kana Macaan kan Ariga iyo Geellaha , sidoo kalena uu yahay mid iska Jaban
Faadumo Caliyow, Waxay ka mid tahay Gabdhaha degmada Baydhabo ee ka Ganacsada Hilibka Sagaarada isla makaana Suuq ku leh Xaafada Horseed, agagaarka Masjidka Al- Towba “ anigu waxaan haysta 8 caruur ah, waxaan ka soo saarta Hilibka Sagaarada Biil, waxaan leeyahay 6 qof oo Eylo ah kuwaasoo ii keena maalintii ilaa 80 Sagaaro, anigu waan kala wareega, waxaan sartaan Qiimo kale oo faa’ido ii ah” waxa sidaas tiri Faadumo Caliyow.
Ka Ganacsiga Hilibka Sagaarada ee magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa Sare u kacey sanadahii 2005 ilaa iyo maanta ayadoona dadka qaar guryahooda aad loo cuno, taasoo ay ku macneeyeen hilib ka macaan kan ariga iyo geella, sidoo kalena uu jaban yahay.
Marka kale faadumo Caliyow ayaa sheegtey faa’ida ay ka hesho Hiliba Sagarada” waxaa jiro suuqaq kale oo lagu iibiyo hilibka sagaarada, dadka qaarna waxayba lee yihiin macaamiil ama guryaha ayaa loogu geeya Hilibka Sagaarada oo Nool ama Qalan hadba Dalabkooda, Anigu waxaan siyaan 80.ooo Sh. So. Oo u dhiganto $4, mararka qaarna way ka badanan kartaa, wayna is dhimi kartaa hadba Suuqa ley Waaye, Bararka Qaar waynu igeynaa” ayey tiri Faadumo Caliyow.
Dhan kale, Dad qaar ayaa Naceyb ama ay ka faanaan cunista hilibka Sagaarada iyagoona u sababeeyey ama shaki galiyey, Xalalnimada Xilliga la soo qabanayo, kuwaasoo sida La Sheegey ay ku dilaan Budh iyadoona la Ogeyn Qaabka ay u gowracaan.
Xafso Sheekh Nuurow Waxay ka mid tahay Dumarka Naceeyb cunista Hilibka Sagaarada waxayna tiri” waxaan waa Nacbahay runtii Eeyladu ma tukato, iyagaa soo dila badanaa , Eeg tani waa meeshii budhka lagaga dhuftey inay bakhtidey ka hore inta aysan gowracin war uma haayo, waan cuni lahaa hadii horteyda lagu bireeyo” ayey tiri Xafsa Sheekh Nuurow.
Si kastaba ha ahaatee Gobolada koonfur galbeed soomaaliya ayaa leh keeymo badan oo ku nool duur jog tiro badan oo kala gedisa Sinjiyadooda,kuwaasoo la laayo, ama la xaalufiyo, qaar ka mid ah xaywaanaadaasi waxay u haajireen wadanka Kenya halkaasoo, Xaywaanaadka ilaa iyo hantan ka sii yaraanayo degaanada koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ka mid ah Libaaxa, Maroodiga iyo Guriyada.
Ugu Dambeyntii, Wasaaradda Cusub ee Daaqa iyo Duur joogta ee dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan weli sameynin Qiimeyn Ku Aadan Xadiga xaalufinta Xaywaanaadka ee Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, lama Oga in ay diideyso U gaarsiga Sagaarada iyo Guur joogta Kale Ee ku nool Gobolada KGS , isla markaana weli kama Aysan soo saarin sharci Xadideynayo ilaalinta bay’ada ee KGS, iyadoona Dowladaha qaar agtoodu ay ka tahay Dilista Duur joogta Dambe Qaran.
Idalee News Online Xafiiska Baydhabo.