Washington DC (INO) – Madaxweynaha dhowaan la wareegi doona talada dalka Mareykanka ayaa laga cabsi qabaa inuu faraha-kala baxo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab iyo guud ahaan arrimaha qaaradda Afrika, sida ay sheegeen xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.
Trump oo tan iyo intii la doortay aan muujin siyaasad cad oo ku aadan qaaradda Afrika, ayaa kooxda diyaarineysa la wareegistiisa hoggaanka Mareykanka, waxay soo bandhigeen su’aalo shaki badan geliyey in Trump laga yaabo inaanu waqti kusii lumin dagaalka Al-Shabaab iyo xaaladaha kale ee Afrika, islamarkaana uu jaro gargaarka Mareykanka uu siiyo qaaradda iyo Soomaaliya.
“Waxaan Al-Shabaab la dagaalameynay toban sano ka badan, maxay tahay sababta aan uga guuleysan weynay” ayaa ka mid ah su’aalaha kooxda Trump ay is-weydiineyso ee laga soo xigtay xubno ka mid ah wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, sida uu qoray wargeyska New York Times.
“Su’aalaha Trump iyo kooxdiisa is-weydiinayaan waa kuwa sax ah oo ay tahay inay is-weydiiyaan” Waxaa sidaas tiri Monde Muyangwa oo ah agaasimaha barnaamijka Afrika ee machadka daraasaadka ee Woodrow Wilson.
Hase yeeshee waxa ay xustay “Qaabka su’aalaha loo dhigay ayaa muujinaya in aad loo yareynayo danaha Mareykanka ee Afrika, lagana dhigayo in danaha Mareykanka iyo la macaamilkiisa dalalka Afrika ay yihiin dan waqti kooban ku siman”.
Xubnaha Trump ku dhow ayaa sidoo kale su’aal ka keenay lacagta sideedda bilyan ee dollar ah ee Mareykanka sanadkii uu ku bixiyo Afrika iyo waxa uu ka faa’iido xilli dad badan ay ku gaajeysan yihiin gudaha Mareykanka.
Haddii Trump uu u arko in Mareykanka aanu wax dan ah ugu jirin Soomaaliya, islamarkaana kooxaha xagjirka ee Soomaaliya aanay halis muuqata ku ahayn danaha Mareykanka, waxay u badan tahay inuu faraha kala baxo arrimaha Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-Shabaab.