Mogadishu (INO) – Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa bilaabay olole ballaaran uu kaga dhaadhicinayo Xildhibaanada labada Aqal ka soo galay deegaanada maamulkiisa qorshihiisa siyaasadeed ee ololaha doorashada.
Shariif Xasan oo dhowaan ay u ansixiyeen Xildhibaanada Koofur Galbeed inuu isu sharaxi karo xilka Madaxweynaha ayaa warar hoose waxay sheegayaan in Musharaxnimadiisa ay tahay mid siyaasadeed oo qorshayaal labo afle ah uu ku damacsan yahay.
Shariifka oo horay xildhibaanada Digil iyo Mirifle ka dhaadhiciyay in wixii markaan ka dambeeya beeshiisa qaadan doonin Guddoomiye Baarlamaan, wax aan Madaxweyne aheyna u cuntami doonin, hase ahaatee ay taasi tahay mid aan waxba ka jirin.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Shariif Xasan musharaxnimadiisa inay tahay mid jiliin ah oo uu ku doonayo inuu ku dhaawaco siyaasadda Guddoomiyaha baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cusmaan Jawaari oo u diyaarsan inuu u tartamo mar kale xilka Guddoomiyenimo, isla markaana qorshahiisa rasmiga ah ay tahay inuu gorgortan ka sameeyo xilka guddoomiyaha baarlamaan in loo gacan geliyo siyaasiyiin jeebka ugu jira oo u diyaarsan.
Sidoo kale waxaa soo baxaya in Shariifka uu diyaarsaday siyaasi ay saaxiib iyo qaraabo dhow yihiin, kuwaasi oo uu la damacsan yahay inay qabto xilka guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana siyaasigaasi lagu magacaabaa Shariif Maxamed Cabdullaahi oo beesha Asharaaf ka soo jeeda, oo isaga ka mid ah xildhibaanada cusub ee la doortey isla markaasna hore u soo noqdey xildhibaan.
Dhinaca kale Shariif Xasan ayaa ku soo hungoobay socdaalkii uu ku tegay magaalada Addis Ababa, isagoo dowladda Itoobiya u gudbiyay musharaxnimadiisa iyo siyaasaddaha qarsoon ee uu ka damacsan yahay doorashada la sugayo
toobiya ayaa u deyrisay, waxayna u sheegtay in xiligaan aysan taageereynin musharaxnimadiisa waxayna u sheegtay in beesha Digil iyo Mirifle Madaxweyne noqon doonin xiligaan.
Maalinta Tallaadada soo socoto ayuu isugu yeeray Shariif Xasan dhamaan 77 xildhibaan ee labada aqal kasoo galay Koonfur Galbeed, wuxuuna shirka uu isugu yeeray oo ka dhici doona Baydhabo damacsan yahay in uu ka dhaadhiciyo qorshahiisa siyaasadeed ee huwan laba afleynta in Madaxweyne aanay heli doonin, balse ay sii xajistaan xilka Guddoomiye Baarlamaan.
Siyaasadda Shariif Xasan oo lagu tilmaamo inay tahay mid macaash raadis ah, ayaa wuxuu gorgortan kula geli doonaa musharaxii uu u arko inuu natiijo ka keenayo doorashada madaxweyne, waxaana qorshahiisa qarsoon ee uu ku doonayo inuu afartaas xubnood ee uu wato ku bixin doonaa juhdi iyo dadaal badan sidii ay u noqon lahaayeen Guddoomiyaha baarlamaanka.
Idale News Online, Mogadishu.