Maantey oo taariikhdu tahay 10 Sebteember 2016 waxaa afar sano ka soo wareegtay maalintii la doortey Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, sida dastuurku qabo Madaxweynaha marka la doorto waa in uu dalka u dhaartaa, waxaana maanta ku eg muddadii xilka loo dhaariyey in uu dalka xukumo si dastuuriyan ah.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka mid ahaa Musharixiinta aan la fileyn in ay ku soo baxayaan doorashaa marka la eego sooyaalkiisa siyaasadeed oo ahaa eber, ma ahayn nin horey u soo qabtey xil xafiis Dowladeed ama ha ahaato Dowladdii hore ee Soomaaliya ee ka horeysey 1991 ama Dowladihii kumeel-gaarka ahaa. Waxaa la dhihi karaa waxaa Xasan Shiikh u fududeeyey in uu Madaxweyne ka bilaabo siyaasadda, Ururka Damul-jadiid iyo Xisbigiisi PDP oo sanad ka soo shaqeynaayey arrintan isla amrkaana inqilaab aan la fahmin ku sameeyey Baarlamaanka, kadib markii ay ku yimaadeen nidaam qorsheysan isaga iyo kooxdiisu, waxaa kale oo u fududeeyey waa Baarlamaanka oo is-beddel doon ahaa lana doonaayey in laga baxo Siyaasiyiinta Maxkamadaha Islaamiga ah ka soo jeedey.
1. Xasilinta Dalka
b- Xasilinta Amniga
t- Dhismaha garsoor iyo caddaalad madaxbanaan
j- Dhismaha Ciidan Qaran
x- La dagaalanka xagjirka
kh- Ka hortagga Burcadbadeeda iyo ilaalinta kheyraadka badda,
2. Geedi socodka dhismaha dowladnimada
b- Dhamaystirka dastuurka iyo afti u qaadidiisa
t- Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan
j- Dhismaha maamulada dalka
x- Dhismaha Dowlad karti leh iyo maamul wanaag
kh- Dhiirigelinta Warbaahina madaxa-banaan
3. Soo noleynta dhaqaalaha dalka,
b- Soo nooleynta dhaqaalaha dalka
t- Dhiirigelinta iyo abuurista dhaqaalaha qoyska
x- Dhismaha wadooyinka, buundooyinka, Kanaalada, Dekadaha iyo Garoomada diyaaradaha
4. Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta,
b- Dhismaha guddi heer Qaran oo waajibaadkiisa yahay dib u heshiisiinta
t- Dhismaha bulsho Soomaaliyeed oo ka caafimaad qabta cadaalad darida, heyb sooca, quursiga, kooxeysiga iyo sadbursiga.
5. Midnimadda iyo wadajirka dalka,
b- In la helo Soomaaliya mid ah oo dadkeeda iyo dalkaba ay mideysan yihiin,
t- Dhameystirka Wada hadalka Federaalka Somaliya iyo Somaliland
j- Waxaan amaanayaa maamul gobeedyada dalka ka jira si amni u sameeyaan dalka.
6. Abuurida xiriir caalami ah ee ku saleysan iskaashi iyo wada jir,
b- Soo celinaynaa sharaftii iyo karaamadii ay laheyd ummada Soomaaliyeed
t-Geeska Afrika oo ka madax banana ku tartanka hubka iyo colaada oo ay qowmiyada iyo dalalka ku nool ay dhex marto is qadarin iyo wada shaqeyn dhinaca amniga, dhaqaalaha, ganacsiga.
Faaleyn iyo falanqeyn kooban
Haddaba in Madaxweynuhu ku guuleystey hadafkiisi ahaa qodobada kore iyo in kale waxaa ka jawaabaya taarikhda la soo marey afartii sano, dhulka iyo dadka rabbi markhaantiga uga yeelay, Amniga Muqdisho iyada oo aan laga hadlin Koonfurta dalka inteeda kale halkee marayaa? Madaxweyne Xasan muddadii uu xilka hayey waxaa Muqdisho ka dhacay weeraradii; Villa Soomaaliya 1&2, Guriga Maxkamadda, guriga Baarlamaanka, 8 Hotel oo Muqdisho ku yaala. Dilalka 17 Xildhibaan muddo afar sano ah gudahood, oo ay usii dheer yihiin tiro badan oo ah Saraakiil, Suxufiyiin iyo Shacab kale oo badan. Amniga Muqdisho ayaa gaaray in wafuuda Beesha Caalamka aysan soo dhaafi karin nawaaxiga Madaarka Muqdisho!.
Dhanka kale magaalada Muqdisho waa heshey isbeddelo kale oo inta badan shacabku samaystey, jidad qurxoon oo Turkigu ku deeqay oo horey u socdey, shacabka oo dib u maalgashadey magaalada dhibkastaa ha qabanee, waa jirtaa nolol iyo isbeddel wanaagsan oo aan la diidi karin, waxaase la is-weydiinayaa yaa sameeyey? Maxayse Dowladdu ku darsatey?
Marka laga yimaado khudbaddii qiimaha badneyd ee Madaxweyne Xasan Shiikh lagu doortey, muddadii afarta sano ahayd ee uu xilka hayey ayaa lagu bartey haddalo badan oo is-burinaya, la dagaalanka Dowladnimo wanaaga, muddo laba sano ah gudaheed ayuu laba Raysalwasaare tuurey oo mid walba Mooshin ka keeney, isaga oo horey u ballan qaadey in aysan shacabku mar danbe maqli doonin is-qab-qabsi, Kooxeysigii uu ka digaayey oo uu ku dhacay Dammul-jadiid ay la wareegeen taladii dalka. Madaxweynuhu wuxuu ku hor kufey hay’adaha xuquuqda u dooda, kadib markii gabar ku doodey in la kufsadey maxkamad lasoo taagey iyadii dhibanaha sheeganeysey, waxaana arrintaasi ku kaliftey in Baarlamaanka Midowga Yurub hortiisa wax looga weydiiyo Madaxweynaha.
Tiirka saddexaad ee Xasan Shiikh ayaa ladhihi karaa waxa uu ahaa mushkilad kale, durba waxa uu dagaal ku qaadey shirkii ka socdey Kismaayo ee dhismaha Jubbaland, waxa uu hadalo caro abuurey ka jeediyey Beledweye iyo Baydhabo, taas oo kaliftey in lagu banaanbaxo. Dhismihii Galmudug ayuu afduubtey isaga iyo kooxdiisa, waana maamulka keliya ee Dowladdu dhistey lacagtana ku bixisey, waxa uu ahaa mid khilaafsan dastuurka oo gobolka Mudug ayaa ah Koonfurtiisa keliya, taas oo kaliftey khilaaf aan dhamaan oo u dhexeeya Puntland iyo Dowaldda markii Mudug oo dhan la sheegtey ama xuduudka Burtinle. Dammul Jadiid waxay meesha ka saareen Ahlu-Sunnah Waljamaacah oo ahayd lafdhabarta gobolada Dhexe dagaalada culusna la galay al-Shabaab, waxayna taasi kaliftey in Galmudug aysan xitaa ka talin magaaada dastuurka ugu qoran in ay caasumad u tahay iyo magaalooyin kale oo waaweyn ee gobalka Galguduud; sida Guriceel, Ceeldheer iyo Ceel-buur. Ugu Danbeyn waxaa ay ku fashilmeen dhismihii Hiiraan/Shabeelada Dhexe kadib marki ay isku dayeen in ay u afduubtaan sidii Galmudug oo kale taas oo reer Hiiraan ka soo horjeesteen.
Madaxweynuhu waxa uu horey u ballan qaadey la dagaalanka Musuq-maasuqa, Eexda, Qaraabokiilka iyo Kooxeysiga, waxaana uu ballan qaadey dhismaha hay’adda isla xisaabtanka ah, halkee arrimahaasi ku danbeeyey kadib fadeexadii Yusur Abraar ee Bangiga Dhexe iyo Lacagtii ugu danbeysay ee khasnadaha dowladaga lagala baxay. Deeq bixiyayaashu sidee u arkaan Madaxweyne Xasan Shiikh marka laga hadlaayo musuq maasuqa?
Ugu danbeyntii ma ahan mid qoraal lagu soo koobi karo afartii sano ee la soo dhaafey. Su’aasha muhimka ah ayaa ah Madaxweyne Xasan Shiikh 6-dii tiir oo kale ma inoo hayaa oo aan ku doorano? Ma u qalmaa in uu dalka sii hoggaamiyo? Ma gaarsiinkaraa Soomaaliya doorasho xor ah iyo xasilooni dalka oo dhan gaarta?.
Hoos ka dwaawo khudbaddii lagu doortey Xasan Shiikh