Warbixin: Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex Ee Hargeysa oo Xarig ku xukuntay Wariyayaal

0
187

Maxkamada gobolka ee Hargeisa ayaa maanta ku xukuntay guddoomiyihii wargeysyada Haatuf iyo Somaliland times Yuusuf Cabdi Gaboobe saddex sano oo xadhig ah, iyadoo tafatirihii wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige isagana maxkamaddu ku xukuntay afar sano oo xadhig ah .

Maxkamada oo saxaafadda loo diiday maanta ayaa ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee somaliland adam salaad seed wuxuu BBC u sheegay markii danbe in maxkamadu laashay gebi ahaanba ruqsadii wargeyska Haatuf .

Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times waxaa xaruntoodii ciidanka boliisku la wareegeen 7dii April 2014 iyadoo markii danbena xabsiga loo taxaabay gudoomiyihii wargeysyadaasi iyo tafatirihiiba.

Warar been abuur ah.

Waxaana lagu eedeeyay wargeysyadan inay qoreen warar been abuur ah iyo warar khalkhal gelin kara nabadglyada Somaliland .

Hase-yeeshee gudoomiyaha iyo tafatiraha Haatuf iyo Somaliland times waxay ku doodeen in waxa keliya ee lagu haystaa yihiin warar musuqmaasuq oo ay ka qoreen wasiiro ka tirsan xukuumada iyo wiilka sodogga uu u yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo .

Qareenadii difaacayay dacwadan suxufiyiinta Haatuf ayaa hore uga baxay dacwadan iyadoo sheegay inaan cadaaladi jirin, laakiinse ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud Adam Salaad wuxuu sheegay in si cad danbiga loogu caddeeyay suxufiyiinta Haatuf oo meel ay kaga dhaceen karaamada iyo sharafta madaxda.

Xigasho: BBC

hargeysa

Idale News Online, Haargeysa.