Warbixin: Maxaa ka soo baxay shirkii Addis Ababa?

0
177

Addis(INO)-Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in kulan labo maalmood socday oo ka dhacay magaalada Addis Ababa una dhexeeyay madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Koofurgalbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin ka socotay wadamada Imaaraadka Carabta,Itoobiya iyo dalal kale uu ku aqbalay Madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan inuu ka tanaasulo musharaxnimada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Kulankan ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa wararka ay heleyso shabakada IdaleNews.com waxa ay sheegayaan in uu sidoo kale aqbalay Madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu aqbalay in uu joojiyo ku taageerada mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya Cabdirashiid Xiddig in uu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in  Madaxweyne Xasan Sheekh uu ballan qaaday Madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan laga tala geliyo xubnaha Koofur Galbeed ay ku yeelaneyso dowladda Federaalka oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah.

Dowlada Itoobiya iyo dowladaha deriska la ah Soomaaliya ayaa isku xiray ammaanka Mandiqadda Geeska Afrika iyo in siyaasadda Soomaaliya laga ilaaliyo isbedel xilligan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulankan kadib u duulay dhulka barakeysan ee Makka si uu usoo guto Cimro, kadib bilo badan oo siyaasad adag uu ku jiray, halka labada madaxweyne ee Cabdikariin Xuseen  Guuleed iyo Cali Cabdullaahi  Cosoble ay u ambabaxeen Nairobi.

Koofur Galbeed Soomaaliya waxaa laga soo doortay 69 xildhibaan ee Aqalka Hoose iyo 8 Aqalka Sare ah (walow hadda lagu daray 3 xubnood oo dheeri ah) kuwan oo ah xubnaha ugu badan oo lagu soo doorto hal dowlad goboleed, taas ayaana muhiim ka dhigtay codadka xildhibaannada Koofur Galbeed iyo maamulka deegaankaas oo raadinayay isbedel dhanka awoodda siyaasadda ah oo suura gelin kara in mar uun masuul ka soo jeeda beelahaasi uu ku guuleysto xilalka Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha.