Warbixin: Magaalooyinka La Doonayo In la Dejiyo Qaxootiga Laga Keenayo Kenya

0
281

Muqdisho (INO) — Kadib markii ay Kulan ku yeesheen Muqdisho Maalmo kahor, Hay’adda UNHCR, Kenya & Soomaaliya ayaa calaamadeeyay Degmooyin ku yaalla dalka oo la dejin doono Qaxootiga laga soo qaadayo Xeryaha Dhadhaab oo Mudo 24 Sano ah ku noolaayeen.

Teaser Image Warbixin: Magaalooyinka la doonayo in la dejiyo Qaxootiga laga keenayo Kenya

Lix Magaalo oo kala ah, Muqdisho, Afgooye, Jowhar, Wanlaweyne, Balcad iyo Beledweyne ayaa la qorsheeyay in dib u dejin loogu sameeyo Qaxootiga Xeryaha Dhadhaab laga soo qaadi dooni kuwaasi oo sida Heshiiska uu dhigayo aan si qasab ah lagu soo celin doonin.

Horey waxaa loo qorsheeyay Kismaayo, Baydhobo & Luuq, waxaana Goobaha kale ee hadda la sheegay in kamid noqonayaan kuwii hore, iyadoo Tirada isku noqon doonto 9 Degmo oo Soomaaliya ku yaalla, kuwaasi oo Amaankooda wanaagsan yahay.

Gudi ka kooban UNHCR, Kenya & Soomaaliya ayaa la sameeyay kaasi oo ka shaqeynaya sidii Qaxootiga dalkooda dib loogu soo celin lagaa, waxaana ay sheegeen in dad gaaraya 332,749 (Saddex Boqol & Sodon iyo Labo Kun & Todobo boqol iyo Afartan iyo Sagaal) Ruux ay isku diiwaan geliyeen in Soomaaliya lagu soo celiyo.

Qaxootiga lasoo celinayo ayaa loo balanqaaday in laga bixinayo Lacagta Gaariga ay kusoo raacayaan, iyo in markii dib u dejin loo sameeyo loo qaban doono Adeegyo Samafal ah oo ka fiican midka hada ay ku haystaan Dhadhaab.

Tan iyo markii uu billowday Qorshahan Dib usoo celinta Qaxootiga Dhadhaab, ayaa waxa uu sheegay Gudiga arrimahaasi ka shaqeynaya inay soo celiyeen 2,060 oo Qof ( Labo Kun iyo Lixdan).

Kenya waxay ku doodaysaa in Xerada Dhadhaab, oo ah Xerada ugu weyn Qaxooti ay ku nool yihiin Caalamka in ay Hoy u noqotay Argagixisada, sidaasi darteedna ay si dhaqso ah ku xirayso.

Idale News Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here