Xubno ka mid ah ergadii Gobolka sh hoose u matalayay Maamulka Madoobe Nuunow ayaa sheegay inay badaleen fikirkoodii ku aadanaa maamulkaasi.
Sayid Baale Cumar oo ka mid ah xubnaha ka socda Gobolka sh hoose oo ka hadlayay kulamo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay inay bedeleen aragtidii ay ku raaceen Madoobe Nuunow isla markaasina ku tilmaayay fikrada madoobe Mid qaldan.
Waxa uu sheegay inay raacsan yihiin maamulka la doonayo in loo sameeyo 3-da Gobol, taas oo ka dambeysy kulan ergadu ay la yeesheen Gudoomiyaha Golaha baarlamaanka Soomaaliya intii uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo.
Horaantii bishan ayuu gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Somaliya Maxamed Shiikh Cusman Jawari maalmo ku sugnaa magaalada Baydhabo si uu isugu soo dhaweeyo fikradaha isdiidan ee kajira magaalada, waxaana magaalada ka socda shir looga arinsanaayo maamulka deegaanada koonfur galbeed Soomaaliya.
Idale News Online , Xafiiska, Baidoa Somalia.