Dalka Chine iyo Brazil ayaa saacad ahaan kala horeeya 11 saacadood, dadka u dhashtay dalka Chine ee jecel daawashada ciyaaraha aduunka ee ka socda dalka Brazil ayaa markii ay daawanayaan ciyaaraha ku qasban in ay u dhafraan ciyaaraha ka socda dalka Brazil.
Inta badan ciyaaraha dalka Chine waxay soo galaan 3-AM ilaa 6-AM inta u dhaxeesa, sidaas darteed waxaa jiro dad ku waalan daawashada ama xad kabax u jecel daawashada kubadda cagta taas oo keentay in ay u dhafraan dad badan kadibna ay u dhintaan dhafar dartiisa.
Dadka dhafarka u dhintay waxaa kamid ah:
1.Zhou oo ah nin dagan magaalada Shanghai, Zhou oo da’diisa ay tahay 39 sano jir ayaa dhafray 3 maalin oo aan kala go’ laheen si uu u daawado ciyaaraha aduunka, taas oo markii danbe sababtay in 15ka bishaan ay maskaxdiisa dhiig ku furto uuna dhinto.
Shanghai Daily ayaa ku soo warantay in xiliga uu dhimanayay Zhou ay aheed 3-AM xiligaas ay socotay ciyaar u dhaxeesa xulalka kala ah Uruguay vs Costa Rica.
2-Wiil 25 sano jir ah ayaa isna naftu ka baxday isaga oo daawanaya TV ga xili ay Spain iyo Netherland ay ciyaarayaan taas oo ay Netherland ku badisay 1-5. Xinhua ayaa ku soo warantay in uu wiilkaas 25ka sano jiro uu u dhintay hurdo yiri darted.
3.Mingqiang oo ah nin 51 sano jir ah asal ahaan ka soo jeeda magaalada Dalian ee dhacda gobolka Liaoning ayaa isagana ruux baxay kadib markii uu wadnaha istaagay isaga oo daawanaya ciyaartii dhex martay labada xul Spain iyo Netherland ,Mingqiang ayaa la daawanayay kubadda asxaabtiisa.
4. 14kii bishaan isagane waxaa nafta ka baxday nin da’diisa lagu qiyaasay 50 sano kaas oo ahaa darawal kadibna uu galay shil gaari markii ay isku dhaceen gaarigiisa iyo Bas, shikaas oo ay ku naf waayeen 4 ruux kale, ninkaan ayaa la aaminsanyahay in uu habeenkaasi ku dhafray ciyaaraha, dhacdadaan ayaa ka dhacday Wenzhou, gobolka Zhejiang.
Idale Newas Online, Muqdisho.