Warbixin: Abaarta Ka Jirta Koonfur Galbeed Oo Sababtey Daruufo Adag Iyo Geeri

0
207

Baydhabo(INO)- Xaalada Dalka oo weli ay tahay mid abaareed  sidaa ay tahyna gobalada ay u simanyihiin ayaa abaartani saameyn weyn ku yeelatey dadka iyo dunnyada intuba isla markaana dadka degan tuulooyinka ayaa  xoolahooda ku waayey inta badan abaarta dalka ka jirta.

Dadka abaarta saameynta  ku yeelatey ayaa waxaa u sii dheer biyo la’aan bahsan iyo cuduro oo qaarkood ay u dhinteen qaarna ay hada la il daran yihiin.

Deegaanada iyo tuulooyinka hoos yimaada Magaalooyinka ayaana ka jirin xaruumo caafimaad iyo daawooyin ku filan oo dadka abaarta dareemey  iyo cudurka  u sii dheer lagu daaweeyo, Xaalada Dadkaasi ayaanan aheyn mid qiyaasan, cudurna Allah ayaa daaweeyn kara .

Dhibaatada dadka  dalkaan ku nool wey islaqabaan balse xanuunka dadka qaar ayaa dareemeya Soomaaliya Waxaa lagu tiriyaa qeyb ka mid ah qaarada Afrika ,dalkan waa dal qani ah wax soo saarna leh balse faai’dadiisu ay yartahay .

Dunida oo idil ayaa qeylan dhaanta abaartani gaartey laakiin ma ahan markii ugu horeysey ee dalkan Soomaaliya uu ku dhaco Cudurka Abaaraha .

Umad weliba dhibaato marka ay ku dhacdo waa ay Is caawiyaan iyaga iyo Madaxda dalkooda sidoo kalena Wey ka gaashaantaan  balse Dadka dalkaan u ma eka kuwa  mar weliba diyaar garooba .

Abraatani waa musiibo qof weliba deegaanka uu ku nool yahay ayuu dhib ku dareemeya Dadka degan magaalooyinka ayaa inta badan ka cabaneya biyo yari.

Dadka deegaanada baadiyaha degan maxaa u sii dheer?

Oon iyo rafaad beerihii waxba kuma bixin Dalka roob ka ma da’in Dadka reer baadiyaha waxey markii dambe deegaankooda ku doorbideen magaalooyinka u dhow si ay u raadsadaan noloshooda mid dhaanta balse waxey soo mareen safar aad u culus sidaa ay tahyna waxey ku yimaadeen lugahooda .

Safarkoodu wuxuu ahaa mid bilo iyo maalmo qaatey caruur iyo waayaliin ayey la socdeen  rafaad ,gaajo Biyo la’aan  daal dhibkooda ma yareen . Nolosha ayaaba mararka qaar rafaad leedahay  .

Waxey ahaataba magaalooyinka marka ay imaadaan maxeyse la kulmeen? ,Noloshoodii hore maxaase  iska bedaley?

Abaarta guud ahaan geyiga soomaalidu waa ay ka jirtaa Meelaha ugu darnaa ayey aheyd Gobalada Koonfureed ee Dalka soomaaliya iyo Gobalada Bari.

Dhanka koonfurta Soomaaliya marka laga reebo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya oo ay joogaan Dad barakacyaal ah  oo xaaladooda liidata ayaa maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya uu ka koobanyahy Seddax Gobal oo kala ah Gobalka Baay .Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Waa gobalada sida aadka ah loogu dareemey Abaarta xooganeed oo dad badan ay gaajo iyo Cudurka Shuban Biyoodka ugu dhinteen. Xaalka ma uu san sahlaneyn maalin ,maalinba maalinta ka dambeysa ayaa dhibaatadu sii adkaaneysey .

Dadka Seddaxdaan Gobal dega ayaa noloshooda inta badan ku tiirsaneed Beeraha iyo Xoolaha .

Abaarta dalka marka ay bilaawatey si weyna saameeyn ugu yeelatey Dadka gobaladaan oo kuwa Tuulooyinka deganaa yaa magaalooyinka durbadiiba imaadeen ayaa xaalka sii xumaadey.

Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay waxaa soo gaarey qiyaastii in ka badan dhowr kun oo dad oo  ay ka yimaadeen Tuulooyinka Seddaxdaan gobol saameyn weyn ku yeelatey  Abaarta Dalka ka jirto .

Waxeyna degeen dadkaasi Barakacyaasha ah ee deegaanadooda ka soo tagey cuna yari iyo biyo la’aan darted  duleedka magaalada  oo ay ku dhisteen Buushash .

ilaa dhowr tiro oo Kaamam ah ayaa jira oo ka dhisan Magaalada Baydhabo. Xitaa dadka qaar meel ay degaan ayey waayeen oo qoys ba qoyska kale ku dul noolaadey.

Goobta ay degeen Dadkaasi ma aheyn meel dhaxanta ka celin karto Balse Nolosha ayaa ku kaliftey in ay halkaasi degaan. Raashiin iyo Biyo ma lahan Kor xanuun ayaa la jiryo Caruurt ayaa gaajo la oyneysa. Xaaladooda ayaa sii adkaatey Caruurtii ayaa gaajo iyo shuban dartood u geeriyoodaan.

Dadka qaar Maskaxduba ma joogto ileen Xoolihii ayaa ka dhamaadey. Waayeel  ooyneya ayaa la arkeya dhibku ma yare  maxaa dadka noloshooda isbedashey. Nooluhuna Biyo la’aan ma noolaan karo Somaaliduna waxey ka mid yihiin Dadka Biyaha aad u Jacel.

Sikastaba ha ahaatee Nolosha dadkaasi ayaanan Wanaagsaneyn. Degaanada qaar waxaa ku dhintey dad fara badan sida tuulada Musiibiyow ee hoose yimaada degaanka Awdiinle ee Gobalka Baay  halkaasi oo dadka qaar biyo wasaqeysan caween biyo la’aanta darteeda sidaana ay ku dhinteen .

Sidoo kale waxaa ka mid ah deegaano hoos taga Magaalada Baydhabo oo dad ay cudurka Shuban Biyoodka dartiisa ugu dhinteen. Gobalka Baay ayaa ugu dhintey Boqol iyo toban qof baahi  iyo Cudurka shuban biyoodka dartiisa .

Wallow ay jiraan ururo dhalanyaro, Ganacsato, Ardeyda Iskuulaatka quraba joog iyo Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sii wadaaan u gargaarida Dadka Buktaasha ah ee ku jira Kaamamka Gobaladaan ha ubatnaato Gobalka Bay.

Waxaa socda Dadaalo lagu caawineyo dadka Abaarta soo saameysey Waxaa kaamam badan oo ay ku jiraan dad barakacyaal ah  loo qeybiyey Raashiin sidoo kalena Biyo dhaamin loo sameeyey. Ifaaflo yar ayaa bilaawatey oo dadka noloshooda bedeshey inkastoo sida larabey ay soo noqon xaalada ayaa hadana  aheyn  midi hore.

Ugu dambeyntii, Weli saameynta abaaraha ba’an ee soomaaliya waa ay taagantahay  caawintana wey socotaa .

W/Q Wariye Abdirahman Yusuf Hassan (Soori)
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo