Wararkii Ugu Dambeyay Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacey Gobolka Bakool

0
255

Ceelboon(INO)-Shalay gelinkii dambe waxa uu dagaal Culus ka dhacay Deegaano katirsan Gobolka Bakool waxaana lasoo sheegayaa in khasaaro kala duwan ay geysteen.

dagalka

Dagaalka waxa uu ka dhacay deegaanada Ceel Malable iyo Ceel Boon oo katirsan Gobolka Bakool waxaana dagaalkaasi udhaxeeyey Ciiidanka Dawlada iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab.

Wararka waxay sheegayaan in khasaaraha warbaahintu heshay in dad intaas ka badan ay dhinteen.

Saraakiisha Ciidanka Dawlada ee kusugan Gobolka Bakool waxay sheegeen in 25 dagaalyahan Al Shabaab uga dileen dagaalkii udambeeyey ee ka dhacay Ceel malable iyo Ceel boon.

Meydadka Al Shabaab ayaa lagu arkay deegaanadaasi sida dadka deegaanku ay warbaahinta usheegeen,iyadoo saaka Xaaladu tahay mid deggan.

Idale  News Online, Ceelboon

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here