Wararkii Ugu Dambeeyey Howlgalo Adag Oo ka Socoda Xaafadaha Magaalada Baydhabo Janaay

0
219

Baydhobo (INO) — Xaaladda Magaalada Baydhobo, ee xarunta Gobolka Bay ayaa Maanta ah Allow Sahal kadib markii Ciidamo ay xireen Wadooyinka, Goobaha Ganacsiga iyo Iskuuladda.

Wariyaha  Warbaahinta Idale News Online  ee Baydhabo Cabdi Nuur Mayow Cali  ayaa soo sheegaya in Saakay ay Shacabka kusoo tooseen Wadooiyinka oo xiran, Xaafadaha iyo Baabuurta oo la baarayo, waxaana ay taasi keentay inay joogsadaan Isku socodkii Gaadiidka iyo Dadweynaha Magaaladaasi.

Laamaha Amaanka ayaa ku amray Ciidanka inay Baaritaano ku sameeyaan Guryaha, Goobaha Ganacsiga iyo Gaadiidka kadib markii Labo Maalin kahor ay Al shabaab Weerar ku qaadeen Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed oo Khatar geliyay Nolosha Madaxweyne Shariif Xasan.

Dadweynaha ayaa ah kuwa Guryahooda kasoo bixin Saakay, waxayna Ciidanka Howlgalka wadao ay xirayaan Dad u badan Dhalinyarada Deegaanka, oo ay Baabuurta Shabaqlaha ku qaadayaan kadibna ay geynayaan Saldhiga Booliska Magaalada oo Su’aalo lagu waydiinayo.

Xaafadda Isha Baydhoba ayaa ah Goobaha ugu badan ee uu Howlgalka ka soconayo, maadaama ay tahay halka ay ku taallo Madaxtooyadda Shariif Xasan ee dhawaan la weeraray.

Wali War rasmi ah kama soo bixin Saraakiisha Amaanka Baydhobo, waxaana la filayaa inay Saacadaha danbe ay ka hadlaan oo ay Shacabka uga warbixiayaan Sababta ka danbaysa Howlgalkooda iyo Cida ay ksuoo qabteen.

Wararka waxay sheegayaan in Saraakiisha Laamaha Amaanka ay leeyihiin Kulamo balaaran, waxaana laga yaabaa in Howlgalka uu socda Maalmo.

Idale News Online – Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here