Muqdisho (INO) – Muuqaalka magaalladda Muqdisho ayaa xalay iyo saaka galay xaalad cusub, waxaana ololaha doorashada madaxweynaha uu marayaa saacadihii ugu dambeeyey iyo loolankii ugu adkaa.
Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed iyo Mashquul badan ayaa laga dareemayaa inta badan Hoteelladda iyo Guryaha ay Murashixiinta Madaxweynaha deggan yihiin.
Murashaxiinta waxay kulamo la leeyihiin Xildhibaanadda baarlamanka, oo lagu lafa gurayo Arrimaha Cod-bixinta Doorashadda iyo in wax kasta la fududeeyo.
Ilo-wareedyo ayaa ku warramay inay Kulamadda ugu shidan xalay ilaa saaka ka socdaan Hotel Jazeera, Uganda House, Peace 2, SYL iyo Xaafadaha ay deggan yihiin Murashixiinta Madaxweyne ee kala ah Sheekh Shariif, Cumar C/rashiid, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa xalay si rasmi ah u billowday bixinta lacagta musharaxiinta madaxweyne ay siinayaan xildhibaanada.
Wararka ayaa sheegaya in qiimaha codadka ay yihiin kuwii ugu badnaa abid ee soo mara taariikhda Soomaaliya, waxayna marayaan illaaa 100,000 (boqol kun) oo dollar.
Musharaxiinta lacagta ugu badan bixinaya ayaa waxaa ka mid ah Xasan Sheekh, Shariif Sheekh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid.