Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo xalay ku hoyday Magaaladaasi ,saakay la kulmayaan dhinacyada Siyaasada isku haya.
Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa xalay siyaabo kala duwan ula kulmay Bulshada qeyabheeda kala duwan ee ku dhaqan Magaalada Baydhabo, waxa ayna kala hadlayeen dhinacydaaasi xiisada Siyaasadeed ee kusoo korortay Magaalada Baydhabo.
Maanta ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Prof Jawaari siyaabo kala duwan ula kulmaan labada Maamul ee isku haya Magaalada Baydhabo ,Waxaa sidoo kale Madaxda ay la kulmayaan odayaasha iyo Ergooyinkii doortay labada Maamul.
Maamulka Koonfur Galbeed ee ka kooban lixda Gobol ayaa ku xiray la kulanka Madaxda sare ee Dalka Shuruudo dhoor ah , lamana oga sida uu maanta u dhici doono kulanka la qorsheenayo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka in ay la qaataan labada Maamul ee isdiidan.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa inta badan waxa ay taageersan yihiin Maamulka Lixda Gobol ka kooban uu Hogaamiyo Mudane Madoobe Nuunow Maxamed , waxa ayan shacabku badi qaadacsan yihiin kana soo horjeedaan Maamulka kale.
Dowlada Soomaaliya ayaa horey uga digtay dhisida Maamu ka kooba lix Gobol , waxa ayna tagaeero Dowlada u muujisay Maamulka kOonfur Galbeed Soomaaliya oo ka kooban ilaa Gobol oo kala ah ,Baay,Bakool iyo Shabeelaha Hoose.e
Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa saakay ah mid dagan , Ciidamada Dowlada Soomaaliyaiyo kuwa AMISOM ayaana buux dhaafiyay Magaaladaasi kuwaa oo sugaya amaanka guud ee Magaalada inta ay joogaan Madaxda sare ee Dalka
Dowlada Federaalka ayaa mar kale jahwareer Siyaasadeed waxa ay kala kulmaysaa Magaalada Baydhabo , waxaa dad badan wali xasuustaan dhibkii badnaa ee Dowlada Federaalka kala kulantay Magaalada Kismaayo oo looga dhawaaqay Maamulo is diidanaa.
Idale News Online, Baydhaba