Wararkii ugu dambeeyay xaalada Qandala iyo ciidamada Puntland oo ku sii siqaya

0
179

Qandala(INO)— Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa kaabiga ku haya degmada Qandala ee Gobolka Bari, halkaasoo todobaadkii hore qabsadeen dagaalyahano ka tirsan Daacish, iyadoo hubaal la’aan ay ka jirto degmada, oo ay ka barakaceen dadkii ku dhaqnaa.

Maraakiib dagaal iyo diyaarado ayaa saacadihii la soo dhaafay duqeynayay deegaanka, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay duqeynta, waxaana xeebta deegaanka ku soo dhowaaday maraakiib dagaal la rumeysan yahay inay yihiin kuwa Gaashaanbuurta NATO.

Wararka ayaa intaa ku daraya in maraakiibta dagaalka ay xeebta ka ilaalinayaan deegaanka, si aanay Daacish saanad milateri ugaga imaan dhinaca Badda, maadaama deegaanka Qandala ay saaran tahay Badda Cas oo xuduud dhinaca badda ka wadaagaan Yemen.

Saraakiil ka tirsna Puntland ayaa sheegay inay ciidankooda ay dhowr jiho kaga ruqaansadeen Qandala, si ay uga saaraan dagaalyahanada Daacish, waxaana magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ka ambabaxay ciidamo aad u fara badan, kuwaasoo isugu jira ciidamada gaarka u tababareen Mareykanka iyo kuwa kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha ciidanka Puntland uga daahay inuu dhaqse ku gaaro Qandala ay tahay dhulka oo ah buuraley, ayna ciidamada ka taxadarayaan in jidka loo galo, waxaana jira ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland ay dhinaca Badda doonayaan inay ka galaan Qandala.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo shalay dib ugu laabtay Boosaaso ayaa sheegay in Qandala aanay sii heysan karin Daacish, lana soo afjari doono maalmaha soo socda.

Boqolaal qoysas oo ku noolaa deegaanka Qandala ayaa badda iyo bariga uga barakacay deegaanka, kaddib markii dagaalyahanadii ka tirsanaa daacish ee qabsaday todobaadkii hore ay difaacyo ka sameysteen buuraha.

Deegaanka Qandala ayaa magaalada Boosaaso u jira illaa 77km dhinaca bari, waa deegaan istiraatiiji ah oo saaran badda Cas, sidoo kale waa saaran buur difaac laga geli karo, lagana soo jabhadeyn karo.