Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo Madaafiic ku garaacay Saldhig ciidanka Itoobiya Hiiraan ku leeyihiin

0
163

Ceelcali(INO)- Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa tiro Madaafiic ah xalay waxa ay ku garaaceen Degmada Ceel Cali oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, halkaasi oo Saldhig Millateri ay ku leeyihiin ciidamada Itoobiya.

Madaafiicdaan ayaa la sheegay inay gaarayeen ilaa Shan madfac kuwaasi oo dadka deegaanka ay sheegeen qaar ka mid ah inay ku dhaceen gudaha Saldhiga ciidamada Itoobiya ay halkaasi ku leeyihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Madaafiicdaasi ay ka dhasheen Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Itoobiya ee Madaafiicda lagu weeraray.

Guddoomiyaha Degmada Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan Yarow Abiikar oo Warbaahinta la hadlay, ayaa meesha ka saaray in Madaafiicda ay ku dhaceen Saldhiga ciidamada Itoobiya ee Degmadaasi.

Wuxuu sheegay Madaafiicda inay ku dhaceen meel banaan ah oo Degmada Ceel Cali ka tirsan, aysana jirin Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay madaafiicdaasi Shabaabka ay ku garaaceen Degmadaasi.

Xaalada Degmada Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan ayaa ah mid Degan, ciidamada Itoobiya ayaa saaka aroortii ku baxay Duleedka Degmadaasi halkaasi oo ay ka sameeyen howlgalo ammaanka ay ku xaqiijinayeen.

Xoogaga Shabaabka ayaa madaafiicda sidan oo kale ugu garaacaya xilliyada qaar Saldhigyada ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Gobolada dalka