Buulomareer(INO)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidanka Shabaab iyo kuwa Amisom ku dhexmaray Gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii ciidamada Shabaabka ay wadada u galeen Kolonyo ciidanka Amisom ah.
Wararka waxa ay sheegayaan Shabaab gaadiidkaan inay shalay galab u galeen wadada xilli ciidanka Amisom ay ka ambabaxayeen Deegaanka Buulo mareer, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dagaalka ayaa socday ku dhawaad saacad, waxaana ku dhintay labu ruux, iyadoo ay jiraan dhaawacyo soo kala garay labada dhinac balse aanan la xaqiijin karin tirada dhaawacyada ka dhashay dagaalkaasi.
Ciidamada Amisom ayaa la sheegay inay dib ugu soo laabteen Deegaanka Buulo marer markii ay u suurageli weyday inay maraan wadada, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in ciidanka Amisom xilli dambe ay baxeen.
Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegaya weerarka inuu ahaa ku dhufo oo ka dhaqaaq Khasaarana uusan ka soo gaarin ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.
Dhanka Shabaab ilaa hada ma jirto wax faah-faahin ah oo ka soo baxay kaasi oo looga hadlaayo dagaalka ka dhacay Deegaanka Buulo mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Idale News Online, BuuloMareer