Wararkii ugu dambeeyay kulamada wali la isku mari la’yahay ee heshiiska doorashooyinka

0
654

Muqdisho(INO)— Kulamo la isku mari la’yahay ayaa waxaa uu xarunta Villa Hargeysa uga socdaa Madaxda dowladda Federaalka iyo Guddiga Baarlamaanka u saaray dib u eegista iyo turxaan bixinta heshiiskii hanaanka doorashooyinka ee ay Muqdisho ku saxiixeen Hogaamiyeyaasha Madasha wada tashiga qaran.

Sida ay sheegayaan wararka kulankan ayaa waxaa la filayaa inay ku soo biiraan Wakiilada ka socda Beesha Caalamka oo dadaal ugu jira sidii heshiiskaas oo aan waxba laga bedelin uu Baarlamaanka u meel marin lahaa, iyadoo xalay uu jiray kulan dhex maray Madaxda dowladda iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Is mariga waaga ka taagan heshiiska doorashooyinka ayaa keenay inuu dib u dhac ku yimaado ansixintii Baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda Maamul goboleedyada ay ku kala qeybsan yihiin wax ka bedelida qodobada qaar.

Hase ahaatee Guddiga ka kooban 21-xubnood ee Guddoonka Baarlamaanka u saaray inuu sharci ka dhigo heshiiskaas, isla markaana dib u eegis ku sameeyo qodobada qaar ayaa waxaa la sheegay in qodobadii wax laga bedelay laga hor-yimid.

Xogo ay heleyso IdaleNews.com ayaa sheegaya in qodobka la isku haayo uu yahay arrinta aqalka sare, iyadoo Guddiga uu soo saaray in 18-ka Gobol ee dalka uu si siman u qeybsado kuraasta aqalka sare, isla markaana Gobolka Banaadir uu soo galayo, taasoo Maamul goboleedyada ay diidan yihiin.

Heshiiskii Madaxda hogaamiyeyasha Madasha wadatashiga ayaa dhigayay in Somaliland iyo Puntland la siiyo min saddex kursi dheeraad ah, balse Guddiga dib u eegista heshiiskaas ayaa wax ka bedelay qodobkaas, waxaana min saddexda xubnood ee dheeriga ah uu siiyay Gobolka Banaadir, si ay qeyb uga noqoto kuraasta aqalka sare.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo qeyb ka ahaa kulamadaas uu ka baaqday safaro uu ku tagi lahaa dalalka Belgium iyo Norway, halkaasoo uu shirar uga qeyb geli lahaa.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa laga yaabaa in arrintan is mariga waaga heshiiska doorashooyinka darteed ay u yimaadaan magaalada Muqdisho, si looga tala geliyo qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay, oo wali ay dood culus ka taagan tahay.

Beesha Caalamka ayaa ka wal walsan is mari waaga ka taagan heshiiska doorashooyinka iyo inuu dib u dhac ku yimaado doorashada la filayo in dhamaadka sanadkan dalka ka qabsoomo, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho yimaadaan Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, si ay u taageeraan doorashooyinka.

Dad badan ayaa aaminsan in Gobolka Banaadir oo ay ku nool yihiin dad ku dhow illaa saddex milyan oo ruux in laga qado kuraasta Aqalka sare ay tahay arrin cadaalad daro ah.

Idale News Online, Muqdisho