Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Magaalada Gaalkacyo

0
195

Galkacyo(INO)- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa waxay sheegayan in xaaladda magaaladaasi ay saakay tahay mid degan, ka dib dagaalkii Jimcihii.

Maleeshiyadii ku dagaalantay dhabarka dambe ee xaafadda Garsoor, ayaa waxaa la soo sheegaya in saakay ay halkaasi is horfadhiyan, waxaana xilli kasta dhici karta in ay foodda is daraan, haddii aan la kala dhex gelin.

Suxufiyiinta degan Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa laga soo xigtay in gaabis wayn uu ku yimid dhaq dhaqaaqii dadka, gaadiidka iyo ganacsiguba, sababo ku aadan dareen laga qabo dagaalo hor leh oo ka dhaca Gaalkacyo.

Qoysas fara-badan, ayaa shalay illaa xalay isaga barakacay xaafadda Garsoor oo ka tirsan Waqooyiga Gaalkacyo, waxaa kaloo jira qoysas ka barakacay qaybo ka mid ah Koonfurta Gaalkacyo.

Qoysaska ka barakacay Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay gaareen duleedyada magaaladasi.

Dhinaca kale Ciidan taabacsan Galmudug oo isaga kala yimid Cadaado iyo deegaano ka tirsan Degmada Hobyo, ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo, ka dib markii gelinkii dambe ee Jimcihii, ay Puntland iclaamisay dagaal ka dhan ah Galmudug.

Ciidan gurmad ah oo taabacsan Puntland, ayaa sidoo kale gaaray Magaalada Gaalkacyo, xilli ay ka soo ruqaansadeen Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.

Nabadoonada Gobolka Mudug, ayaa Warbaahinta farriimo u marinaya Madaxda Puntland & Galmudug, iyagoona ugu yeeraya in la raadiyo xal aan dagaal ahayn.

Nabadoon Cabdi Xersi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Mudug, ayaa labada maamul ugu baaqay in bedelkii ay colaado hurin lahaayen, ay ka shaqeeyan in nabad dadku ku wada jooggaan Gaalkacyo.

Nabadoon Cabdi Xersi, ayaa walaac xoogan ka muujiyay dadka aan waxba galabsan, ee hadana lagu khasbayo in ay guryahooda ka barakacan.

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka, ayaa dhinaciisa sheegay in dadka reer Mudug ay ka dheregsan yihiin inaanay cidina wax dan ihi ugu jirin dagaal.

Ugu dambeyntii, Nabadoon Aloore, ayaa ka codsaday Madaxda Somalida iyo Culima’udiinkuba, in ay u istaagaan, sidii looga gudbi lahaa xiisadda ku soo korortay Xarunta Gobolka Mudug.