Abadwaaq(HOL) — Wararka naga soo gaaraya degmada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in wali Halkaas ay ka jirto Xiisad Colaadeed, kaddib dagaal dhimasho sababay oo maalintii shalay ka dhacay Qaybo degmadaas ka mid ah.
Inta la xaqiijinayo 20 ruux ayaa u badan dhinacyadii ay dirirtu dhaxmartay ee Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa ku geeriyootay dagaallka, tiro kale oo intaa ka sii badanna waxaa ay jku dhaawacmeen, kuwaa oo qaarkood rasaastu ugu tagtay guryahooda.
Wariye ku sugan degmada Caabud-waaq oo lagu magacaabo C/kariin Bulxan ayaa VOA-da u sheegay in dagaallada oo u bilaawday subaxnimadii hore ee shalay soo gaareen ilaa maqribnimadii xalay, kaddib markii ciidammada taabacsanaa maamulka Galmudug ku guuleysteen in ay la wareegaan saldhigyadii iyo xurmihii inta badan lagu dagaallamay.
”Dadka dagaallada ku dhintay 15 ka mid ah waa dhinacyadii dagaallamay iyo shan ruux oo rayid ah, taa oo muujineysa baaxada uu dagaalku lahaa, waxaa jiri barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka rayida ah oo qaarkoodu talaabay dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya” ayuu yiri wariye C/kariin Bulxan.
Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo mas’uuliyiinta sare ee labada maamul Galmudug iyo Ahlu Sunna ka soo saareen dagaallada ka dhacay degmada Caabud-waaq, waxaana jira gurmadyo kala duwan oo garabyada is haya ka soo kala gaaraya dhinaca degmooyinka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb oo ay kala fadhiyaan labada maamul.
Xoogagga Ahlu Sunna ee laga saaray Caabud-waaq ayaa isku Abaabulaya meel Dulleedka ka ah degmada, waxaana jirta cabsi wali laga qabo dagaalo kale oo dhaca & weerar rogaan celin ah oo ay soo qaadaan dagaallamayaasha daacada u ah maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca.
Idale News Online,abadwaaqo