Wararkii ugu dambeeyay ee Doorashada hogaanka NUSOJ

0
458

Muqdisho{INO}Wararka inaga soo gaaraya Hotel City Palace ayaa waxa ay sheegayaan in Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ uu ku guuleystay Maxamed Ibraahim Macalimuu, kadib markii markii tanaasulay musharixii la tartamayay Cali Baashi C/laahi.

Sidoo kale waxaa kale waxaa Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ uu ku guuleystay Maahir Aadan Jaamac oo ka mid ah wariyeyaasha ka socda deegaanada Puntland.

Maahir Aadan Jaamac ayaa helay codad gaaraya 93 cod, halka Aadan Maxamed Salaad Aadan Kismaayo oo isaguna ka mid ah wariyeyaasha ka socda deegaanada Jubbaland uu helay 56 cod.

Waxaana wararkii ugu dambeeyay ay hada sheegayaan in Muxyadiin Xasan Maxamed oo ka mid ah wariyeyaasha ka socda uu Koonfur Galbeed isaguna uu ku guuleystay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee NUSOJ.

W/Q;Wariye Siidcali Muuse Maxamed {Ateera}