Wararkii u dambeeyay Afarta Qof ee lagu dilay Muqdisho

0
322

Muqdisho(INO)-Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya Warar  Koox hubeysan ay ku dileen ugu yaraan Afar ruux oo ka dhacay  Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Labo qof oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Weerarka, qaar ka mid ah Dadka la toogtay ayaa ka shaqeynayay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ay arkayeen Gaari nooca raaxada ah oo rasaas la huwiyay isaga oo maraya meel ku dhow Hoteelka Naasa-hablood ee Muqdisho.

Ugu Dambeyntii Ciidamada Amaanka ayaa hada tagay Goobta oo wada baaritaan la xiriira dilka iyo cida geysatay.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here