Wararki ugu danbeyay ee Magaalada Kismaayo iyo Isgarsiinta oo hawada laga saray

0
220

Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ayaa waxaay tibaxayaan in  galabta  xaalada Guud ee Magaalada ay dagaan tahay  islamarka ay ka duwan tahay sidii Shalay.

Sidi aan saakay idin ku soo tabinay in ay socdaan wadahadalo  lagu doonayo in lagu soo afmeero  shaqaaqadi shalay ka dhacaday magaalada Kismaayo  ayaa waxaana soo garaya in  Wadahadaladaasi ay ku soo dhamadeen guul iyo  isfahan.

Wadahadaladaan  ayaa waxaay ka dhaceen Hotelka Tawakal ee Magaalada Kismaayo waxaana ka qayb qadanayay Odayaasha  dhaqanka Kismaayo  iyo Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo.

Sida la soo sheegaayo dhinacyada  ayaa wadahadalki u dhexeeyay ku heshiyay  waxaana wali la sugayaa  qodobada rasmiga ah ee ay ku heshiyeen .

Isgarsiinta  kale duwan ee Magaalada Kismaayo ayaa  galabta mar labaad  maalmo gudahood  hawada laga saray Isgarsiinta   ma cada sababta rasmiga ah ee Isgarsiinta Hawada loga saray  balse warbaahinta Kismaayo waxaay ku raad joogta  sababta ka danbaysa in Isgarsiinta Magaalada Hawada laga saaro.

Dhanka kale  waxaa  sidii logu tala galay u socda  Shirweynihi ka socda Magaalada Garbaharey  ee Xarunta Gobolka  Gedo  wariyaha  Kismaayo24 ee Gobolka Gedo   Shariif  Axmed  ayaa waxaa uu soo shegay in  dhinacyada ku shiraya  Garbaharey ay isla  garteen  qodobo ay ka mid  tahay in si guud  loga qayb galo shirweynaha  Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.

Wariyaha  ayaa waxaa uu sido kale   soo shegaya  in  la sameyn doono Gudiyo kala  duwan   waxaana gudiyadaas  qaybi ay ka qayb galaysa Shirweynaha  Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo halka  qaybta kale  lo xilsarayo in ay  awooda saraan Xoreynta Dagmoyinka  ku dhiman gacanta Xarakada Al-Shabaab.

Dhanka kale  Magaalada Garbaharey ee Xarunta Gobolka Gedo  waxaa soo garay saraakil ka socota Dowlada Mareykanka  kuwaas oo kulamo la qatay  masuliyiin ku sugan  Garbaharey  waxaay sido kale  Saraakishaasi Musharaad u qaybiyeen Ciidamada  Dowlada  ee Gobolka Gedo iyo Ciidamada  Ahlusunna.

Sida aanu ka soo xigaanay ilo xog ogaal ah  Shirweynaha  Garbaharey waxaa la soo afjaraya Maalinta bari ah  waxaana la filaya in Siyaasiyiinti ka qayb galaysay Shirkaasi iyo Ergoyinka ka socday Gobolka Gedo ay Magaalada kismaayo ku soo garaan Mudo 3 casho gudahood ah.

Idale News Muqdisho