India:Ninkaan waxaa lagumagacaabaa Raajuu, waxa uuna caanka noqday dalkiisa India, sababta ow magaca ku helay ninkaan waxaa lagu sheegay in Sac shan lugood leh oo u joogay uu lasoo baxay arin layaab leh. haweenka ku nool tuulada uu deganyahay Raajuu ayaa aaminay in Sacaan uu leeyahay awood sixir.
Wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa lagu xusay in haweeney afar gabdhood dhashay ay taabatay lugta shanaad ee Saca, eyadoo kadibna dhashay labo Wiil oo Mataano ah, taas ayaa keentay in haweenkeenkii Tuuladu ey u baraka doontaan Sacaan, waxaana qiimaha lagu tuubto lugta shanaad ee Saca lagu sheegay 500-rubi.
Arinta cajiibka leh ayaa ah in haweeneydii taabata lugta Sacaan ee dhasha gabar loo celinayo lacagteeda, waxaa la sheegay in tirada haweenka ee Sacaan taabtay kadibna wiilal dhalay ay gaarayaan 33.
Raajuu iyo Saciisu waxey hada marayaan in warbaahinta caalamka lagu soo qoro, eyagoo helay magac iyo nolo eysn horay u heysan.
Idale News Online