Wararka Dibadda:Madaxweyne isku kaadiyay isaga oo qudubad jeedinaya.

0
181

Sidda lagu qoray bogga huffingtonpost.com, madaxweynaah dalka Colombia ayaa la arkay isagoo isku kaadshay xilli uu jeedinayay qudubad qeyb ka ah ololaha uu ku doonayo in mar kale dib loo soo doorto.

Jan Manuel Santos oo ah 62-jir ayaa hadal ka jeedinayay meel fagaare ah oo uu dad kula hadlayay, waxaana la arkay kaadi ka baxsatey oo ka soo muuqatay surwaalkii kaakiga ahaa ee uu xirnaa.

Mar la weydiiyay sababta keentay in ay kaadida ka baxsato, ayuu madaxweynaha Colombiya waxaa uu kaga jawaabay in ay ugu wacantahay qaliin looga sameeyay xubinta taranka sanad iyo bar ka hor si looga gooyo cancer kaga dhacay xubinta taranka.

“Waad ogtihiin in ololaha ku aadan madaxweyne nimadeyda ay iga soo asiibeen wax yeelo fara badan oo ay ka mid tahay cudurka kansarka taasoo keentay in qaliin la igu sameeyo sannad iyo bar ka hor,” ayuu ku jawaabay madaweynaha Colombia.

Wuu sii hadlay Mr. Santos

“Siyaasiyiinta waa kuwa iweeraraya iyagoo aan ii naxariisaneynin, waxa ay rabaan in ay meel uga dhacaan sawirkeyga iyo sharraftyda ee madaxweynanimoy,” Santos ayaa siddaas ku soo qoray bayaan ka soo baxay xafiisakiisa oo laga soo xigtay wargeyska maalin laha  ah El Tiempo ee ka soo baxa Colombia.

colombia-300x173

Idale News Online