Wararka Dibadda: Boliiska dalka Masar ayaa xabsiga u taxaabay saddex weriye oo la shaqeeya TV-ga Qadar laga leeyahay ee Al-Jazeera.

0
197

Boliiska dalka Masar ayaa xabsiga u taxaabay saddex weriye oo la shaqeeya TV-ga Qadar laga leeyahay ee Al-Jazeera.

Weriyayaasha waxaa ka mid ah madaxa xafiiska Al-Jazeera ee Qaahira, Maxamad Fadil Fahmi, iyo Peter Greste, oo horey ula shaqeyn jiray BBC-da.

 Dowladda Masar ayaa sheegtay in weriyayaasha la xiray ay shir sharci darro ah la yeesheen xubno ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo dalkaas laga mamanuucay.

Toddobaadkii tegay ayay dowladda Masar ku dhawaaqday in Ikhwaanul Muslimiinku yahay urur argegixiso.

Militeriga Masar ayaa xukunka ka tuuray madaxweynihii Islaamiga ee ay taageersanayeen Ikhwaanul Muslimiinka, Maxamad Mursi.

 Tan iyo xilligaas, dowladda ay teegeeraan militeriga ee dalka Masar, ayaa billawday olole lagu xirxirayay madaxda iyo xubnaha ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar ayaa sheegtay in TV-ga Al-Jazeera uu tebinayay warar dhawaacayo amniga qowmiga ee dalkaas.

wwwwwww

Idale News Online, Egypt,Cario