Wararka Dibada: Askari Ukraine Looga Dilay Crimea Iyo Ruushka oo Digniin u Diray Mareykanka Iyo Midowga Yurub

0
225

Ruushka ayaa ka digay in reer galbeedka ay cawaaqib xumo la kulmi doonaan haddi ay ku soo rogaan cunaqabatayn dhanka dhaqaalaha.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in dalkiisa uu tallaabo qaadi doono haddi Maraykanka iyo Europe ay ku soo rogaan cunaqabatayn.

Dowladda KMG ee Ukraine ayaa goor sii horreysay sheegtay in hal askari looga dilay iska hor imaadyo ka dhacay Crimea.

Arrintan ayaa timid saacada yar kaddib markii ay hoggaamiyayaasha Ruushka iyo gobolka Crimea kala saxiixdeen heshiis Crimea ka dhigaya qeyb ka mid ah Ruushka.

Milateriga Ukraine ayaa sheegaya in mid ka mid ah askartooda uu iska hor imaadka ku dhintay, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Buutin& Crimea politiN

Caasimada Ukraine ee Kiev, Ra’iisalwasaare Arseniy Yatsenyuk, ayaa sheegay in khilaafka ku salaysan Crimea uu hadda isu beddelay colaad hubaysan.

Waxaa uu ugu baaqay Maraykanka iyo Britain in ay gacan siiyaan Ukraine.

Dowladda Maraykanka ayaa cambaaraysay qaabka uu Ruushka kula wareegay gobolka Crimea, waxaana ay ku tilmaantay dhul xoog lagu qaatay isla markaana meel ka dhac ku ah madaxbannaanida Ukraine.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in dalkiisu cunaqabateyn dheeraad ah ku soo rogi doono Ruushka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in Madaxweyne Obama, uusan dooneyn dagaal uu la galo Ruushka, balse uusan gacmaha ka laaban doonin waxa uu ugu yeeray qabsashada Crimea.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Ruushka ayaa dhankiisa sheegay in Ruushka uusan dooneyn in uu qabsado qeybaha kale ee dalka Ukriane.

Idale News Online,Maskow.