war xasasi ah:Madaxda Dalka oo Kalsooni ku qaba in ay ka Guuleysankaraan Shariif Xasan

0
207

og gaara oo ay heleyso Wakaalada Hiiraanka.com ayaa sheegeysa in Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ay kalsooni ku qabaan inay meesha ka saaraan Siyaasadda adage e Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed oo Baydhabo ku sugan ayaa inoo sheegay in ay u badan tahay Koofur Galbeed inuu isbedel ka dhaco, waxaana Dowlada Soomaaliya ay ku bixineysaa lacago aad u badan si Musharaxeeda u guuleysto.

Nabad iyo Nolol ayaa wadata Musharixiin ay ka mid yihiin Dr Cali Saciid Faqi oo ah Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub guulo badana kasoo hoyay Ololihii lagu badbaadinayay Dhalinyarada ku xirneyd Xabsiyada Liibiya.

Sidoo kale Dowlada dhexe waxay wadata Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ah Aas aasayaasha Ururka Al shabaab balse ka baxay markuu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Masuuliyiinta ugu sareysa.

Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ah Musharixiinta ugu cad cad ee la saadaalinayo inay doorashada saameyn weyn ku yeelan doonaan.

Shariif Xasan wuxuu taageero weyn ka helayaa Madaxda Maamul Gobaleedyada iyo Dowlada Imaaraadka oo maalgalineysa qorshaha uu ku doonayo inuu kusoo laabto markale.kastaba ha ahaatee Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa sanadkan ka adkaan doonta sanadihii hore maadaama tartan xoogan uu u dhaxeeyo Shariif Xasan iyo Nabad iyo Nolol.