war xasasi ah:Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa u yeeray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiisha xoogga dalka

0
232

iyagoo wax ka weydiinaya tacadiyada iyo dhibaatooyinka Ciidamada Milateriga u geystaan dadka Rayidka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Amar-dambe iyo Saraakiisha ciidamada ayaa maanta hortagi doona Guddiga Difaaca, waxaana wax laga weydiin doonaa dhibaatooyinka ugu dambeeyay ee Ciidamada u geystaan shacabka.

Arrimaha wax laga weydiin doono ayaa waxaa ka mid ah falkii todobaad ka hor Ciidamo ka tirsan Milateriga ku dileen gabar ardaydad 9 jir ah oo ku geeriyootay rasaas ay fureen Ciidamada Milateriga, iyadoo falkaas loo xiray dhowr askari.

Xoghayaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Sadiiq Warfaa ayaa sheegay in ciidamada Milateriga loogu tala galay inay joogaan banaanka magaalada, oo ay dalka ka difaacaan, isagoo xusay in wax aan la aqbali karin ay tahay Ciidamada Milateriga oo magaalada dhexdeeda dhibaatooyin ugu geysanaya shacabka.

Ciidamada Milateriga ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin falalka amni daro ee ka dhaca Muqdisho, waxaana ay ku lug yeesheen falal dil ka dhacay todobaad ka hor magaalada Muqdisho oo lagu dilay darawal mooto bajaaj ah iyo gabadhii 9-jirka aheyd