(War-saxafadeed). R/wasaare Saacid Oo Xalay Casho Sharaf U Sameeyay Ergadii Ka Qeybgashay Shirkii Looga Hadlayay Xagjirnimada.

0
204

ghytyty

R/wasaaraha xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa xalay casho sharaf u sameeyay culumadii ka qeyb gashay shirweynihii looga hadlayay xal u helida xagjirnimada, isaga oo sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ku dadaali doono dhaqan gelinta qodobadii shirweynahas ka soo baxay .

Culumaa’udiinkai iyo aqoonyahanadii xalay ka qeybgalay casho sharafta uu R/wasaarha dowlda federaalka Cabdi Faarx Shirdoon Saacid u sameeyay ergadii shirka ayaa waxa ay ka hadleen muhiimada ay leedahay nabadda iyo sida lagama maarmaan ay u tahay in laga hortago kuwa xagjirka ah ee ka been sheega Diinta Islaamka.

Wasiirka Warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka mudane C/llaahi Ciilmooge xirsi oo munaasabada ka hadlay ayaa balanqaaday in wasaarada Warfaafinta ay horeba u wadday wacyigelinta bulshada, haddana ay sii dardargelineyso in bulshada laga wacyigeliyo xagjirnimada.

Mas’uuliyiinti iyo xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in bulshada laga wacyigeliyo xagjirnimada iyo sida loogu baahanyahay in la isaga kaashado ka hortaga ficillada gurcan ee kooxaha Shabaab iyo Alqaacida.

R/wadaataha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo gebagebadii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida cad ee culumaa’diinku u qeexeen xagjirnimada, waxaana uu sidoo kale sheegay in shirka golaha wasiirada ay horgeeyeen talooyinkii iyo go’aanadii ka soo baxay shirkii looga hadlayay xagjirnimada oo lagu soo gebagebeeyay Muqdisho.

Idale News Muqdisho