War Saxaafadeed Ka soo baxay Gollaha Wasiirada KGsoomaaliya, oo taliyaha nabad sugida looga magacaawey Mudane Sandheere Mad Aftiin.

0
181

Gollaha wasiirada dowlada Goboleedka koonfur galbeed oo isugu yimi fadhigoodi caadiga ahaa ee khamiislah ahaa, ayaa waxay taliyaha cusub Ee nabad sugida dowlada KG soomaaliya ugu magacaaween Mudane Sandheere Mad Aftiin.

Mudane sandheer mad aftiin ayaa iminka ahaa Godoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Bay, Ee dowlada federalka soomaaliya.

Sanadheere, waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii mar qaatey fikirka 3da gobol balse dadaalo badan oo ay sameeyeen odayaasha KG soomaaliya ka dib, waxay ku guuleysteen isaga iyo siyaasiyiin kale in ay ku soo laabtaan maamulka lixda Gobol Ee koonfur galbeed soomaaliya, oo Madaxweyne ka ah Mudane Madoobe Nuunow.

Sidoo kale mudane sandheer mad aftiin waxa uu si weyn ugu soo shaqeeyay siyaasada Guud Ee gobolada KG soomaaliya tan iyo markii la aas-aasey jabhadii Xaq udirirka ahay Ee RRA , sandkii 1995.

Waxaa uu ka mid ahaa dhalan yaradii naftoodu u horey in ay xureeyaan gobolada Bay& Bakool waagii dagaalkii sokeeyey ee Soomaaliya ka aloosaneyd , isla markaana dagaal culus kula hor yimaadeen Ciidamadii USC oo Hogaamin jirey, maraxuum General Maxamed Faara Caydiid.

sidoo kale sandhere waxa uu ka mid yahay saraakiishi ka xureeyay Xoogaga Al-shabab sanadkii 2012 magaaladaa Baydhabo Janaay, waxaana lagu tiriyaa Qof si wey ugu fiican guubaabinta Iyo Isku dabaridka Howlaha Guud ee ciidanka.

si kastaba ha ahaate, arintan ayaa imaaneysa xili dhawaan dowlada koonfur galbeed soomaaliya ay tababaro u furtey in ka badan 8,400 askari ciidaankaasoo loo bixiyey Gorgor Ee Daraawiish.

Sandheere& Biirkole

Idale News Online,Baydhabo Janaay.