Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Itoobiya oo dagaal kula wareegay Deegaanka Yeed ee Gobolka Bakool

0
220

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Dowladda Itoobiya, ayaa waxay maanta dagaal kula wareegeen deegaanka Teet, oo 35km u jirta Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Ciidamada Dowladda iyo Itoobiya oo laga dareemaayo in ay si taxadar leh ula socdaan dhaq dhaqaaqyada Ciidan ee ka jira Gobolka Bakool, ayaa waxay iska caabin ay kala kulmeen Xoogaga Al Shabaab.

Ciidankaan, ayaa waxay ku guuleysteen in ay deegaanka Teet xoog kaga saaraan Ururka Al Shabaab, oo saakay si buuxdo u baneeyay Xarunta Gobolka Bakool ee Magaalada Xudur.

Maxamed Macalin, Gudoomiyaha Magaalada Xudur ee Maamulka Gobolka Bakool ee Dowladda, ayaa wuxuu shaaciyay in ay si buuxdo ula wareegeen deegaanka Teet.

Deegaanka ay la wareegeen Ciidanka Itoobiya, ayaa waxaa weeyaan deegaan biyo diggeen ah, iyadoo ay si weyn u adeegsan jireen Ururka Al Shabaab, ee la doonaayo in laga saaro Magaalada Xudur.

breakingIdaleNews

Idale News Online, Xudur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here