War Deg Deg Ah Diyaaradii Baydhabo Ka Soo Qaadi La Heyd Shariif Xasan Oo La Filayo Daqiiqado Kadib In ay Gaarto Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Baydhabo.

0
229

Muqdisho:Warar naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in Diyaaradii Baydhabo ka soo qaadi lahayd Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalintii shalay Baydhabo gaaray balse loo diiday inuu gudaha Magaalada galo la filayo in daqiiqado kadib gaarta garoonka Diyaaradaha Ee Shaatiguduud Airport magaalada Baydhabo ee xarunta dowlada goboleedka Konfur Galbeed Soomaaliya.
Nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa Baydhabo u diray Diyaarad kuwa qumaatiga u kacada ee helicopterka si ay Bayhabo ugu soo qaado Shariif Xasan iyo xubnihii la socday oo Baydhabo tagay shalay balse ay la kulmeen banaanbaxyo ka dhan ah Shariif Sakiin iyo xubnihii la socday ee gaaray magaalada Baydhabo.

breakingIdaleNews

Dadweynaha Magaalada Baydhabo ayaa ka hor yimid qorshaha guracan ee uu wato Shariif xasan qor shahaasi oo ku aadan si uu u bur burin lahaa Dowlad Goboleedka loo dhisi deegaanada 6 gobol ee koonfur galbeed Soomaaliya taasi oo shacabka ka dhiidhiyay maalintii shalay iyo maanta uu weli sii socdo bananbaxa.

Idale News Online, Baydhabao