Soul(INO)— Waqooyiga Kuuriya ayaa mar kale tijaabisay gantaal cusub oo aan noociisa la garaneyn, kaasoo ku dhacay Badda Japan Sea, sida ay shaacisay Xukuumadda Koofur Kuuriya.
Gantaalkan ayaa laga riday Gobolka Tongchang-ri oo ku dhow xadka Waqooyiga Kuuriya la leedahay Shiinaha, waxaana arrintan walaac ka muujiyay dowladda Japan.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Koofur Kuuriya ayaa sheegay in tijaabadan gantaalka cusub uu muujinayo in wali Waqooyiga Kuuriya horumar ka sameyneyso diyaarinta gantaalada riddada dheer.
Bishii hore ayay aheyd markii Waqooyiga Kuuriya ay tijaabisay gantaal riddada oo loo yaqaano Pallastic Missile, iyadoo xilliga la tijaabinayay uu goob joog ahaa Hogaamiye Kim Jong-un.
Qaramada Midoobey ayaa horay uga mamnuucday Waqooyiga Kuuriya inay tijaabiso wax gantaallo ah, balse waxaa muuqata inay wali adeegsaneyso gantaalo cusub oo kaabaya tiknoolijiyada Nukliyeerka.
Waqooyiga Kuuriya ayaa dhowr jeer sheegtay in gantaalada ay tijaabiso uu yahay mid nabadeed, balse waxaa la rumeysan yahay inay damacsan tahay inay sameysato gantaalada isaga gudba qaarada, si ay weerar ugu qaado Mareykanka