Ergiga cusub ee qaramada Midoobey ee Somalia Mr. Nicollas Kay ayaa sheegey in waxa ka dhacaaya Kismaayo ay calaamad u yihiin in Somalia ay si buuxda ugu heshiin la’ awooda baahsan ee maamulada dalka ama waxa loo yaqaan Federaalka. Waxuuna si cad u sheegey in Somalidu aysan si qeexan u fahansaneen macnaha Federaalka iyo sida uu u shaqeeyo. Waxuuna kaloo Mr Kay sheegey in dastuurka Cusub ee Somalida degsatey aanan si fiican loogu qeexin sida loogu dhaqmaayo federaalka iyadoo qolo walbaa ay tafsiir gooni ah wadato isla markaasna aysan heshiis buuxa ku aheyn sida federaalka dalka uga hirgelaayo,
Daawo NIchollas Kay oo ka hadlaaya xudunta khilaafka Kismaayo iyo Somalida:
Dagaaladaii ka dhacey Kismaayo iyo heshiis ka gaaris la’aanta arrimaha federaalka ah ayaa noqoneysa arrinta ugu adag ee argiga cusub ee Somalia soo wajihi doonta xafiiskiisa cusub, iyadoo la og yahay xiriirka qaar ka tirsan gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho aysan fiicneyn.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqey gogol dib u heshiineed oo ay ka soo qeyb galaan dhamaan dhinacyada isku haaya siyaasada Kismaayo, halka maamulka Axmed Madoobe oo taageerayaashiisu u doorteen Madaxweynaha Maamulka Jubaland isla markaasna ay maamulkiisa uu maamulo magaalada Kismaayo ku xireyka qeybgalka shirkaasi shuruud ah in wada hadalladu dhex maraan dowlada federaalka iyo maamulkiisa Jubaland oo qura.
Idale News ONline Mogadishu