Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey ee Somalia Nicholas Kay iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaarey Kismaayo

0
194

Ka dib doorashooyin muran dhaliyey oo ka dhacey magaalo xeebeedka gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo isla markaasna ay dowladu Federaalka Soomaaliya sheegeen  mid aan loo dhameyn oo sharci daro ah, ayaa beesha caalamka bilaabeen inay u kuurgalaan xaalada guud ee siyaasada, nabadgelyada iyo weliba bani’aadanimada ee magaalada Kismaayo ee  oo xudun u ah khilaafka Maamulka Jubbaland State.

Wafdiga Kismaayo soo gaarey ayaa waxaa hogaaminaayo wakiilka cusub Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr Nicholas Kay, wakiilo ka socda safaarada Mareykanka ee Kenya iy xubno kale ayaa markii ay  ka degeen magaalada  u gudbeen xaruntii shirka ee Jaamacada Kismaayo oo ay weli ku sugan yihiin inta badan ergadii ka kala yimid gobolada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose. ka dina waxay kulamo Albaabada u xiran yihiin la yeesheen maamulka hadda ka arimiya magaalada Kismaayo ee Axmed Madoobe iyo C/hi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Waxaa la filaayo in inta aysan wafdigu ka amba bixin Kismaayo ay kulamo sidoo kale la qaataan qeybaha kale ee diidan maamulka Axmed Madoobe iyo Jeneraal Fartaag ee ku sugan  magaalada Kismaayo, ka dibna marka ay ku noqdaan Kenya waxay qaban doonaa shir jaraa’id oo socdaalkooda ku aadan iyo aragtidooda magaalada Kismaayo.

 

Idale News Kismaayo