Wajiga Labaad Shirka Arrimaha Soomaaliya Oo Saaka Ka Furmaya Garowe

0
246

Garowe(INO) Goor dhow waxaa lagu wadaa hoolka shirarka wasaradda Caafimaadka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed inuu ka qabsoomo ama ka furmo wajiga labaad shirka arrimaha Soomaaliya oo dhexmari doona madaxwaynaha DFS iyo madaxda mamulada dalka.

KGS

Madaxwaynaha DFS, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu furo shirkan oo dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka iyo dowladda dhexe dhexmaraya, waxana jira guddiyo mamulada matalaya oo shirka marka la furo sii anbo qaadaya arrimaha laga wada hadlayo.

Warar lagu kalsoon yahay oo uu helay Idale News Online ayaa sheegaya wada hadalo kooban oo dhexmaray shalay galinkii danbe iyo xalay DFS iyo Puntland ayaa wax xal ah laga gaarin, iyadoona guddiyo kala matalaya labada dhinac ay ku kala kaxeen qodobo shirka la horkeenay.

Puntland ayay u muuqataa wafdiga madaxwaynaha DFS inay hordhigtay qodobo lix ka kooban oo diirada saaraya arrimaha mamul u samaynta Gobalada dhexe, hirgalinta heshiisyadii horay loo gaaray, helitaanka ciidan qaran oo dalka laga hirgaliyo iyo qodobo kale.

Shirka maanta ayaa lagu wadaa khudbadaha laga jeedin doono inay ka hadli doonaan qaarkood arrimo xasaasi ah oo ku qotoma xaalada dalka iyo in hal waji lagu wajaho caqabadaha amniga iyo horumarka ka hor imaanaya.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here