Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada kismaanyo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose iyagoo halkaasi wadatashiyo kula qaadanaya Masuuliyiinta Maamulka K.M.G ah iyo saraakiisha ciidamada ee Goballada Jubooyinka.
Wafdigan maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka wasaaradda arrimaha gudahah iyo amaanka Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed waxaa socdaalkiisa ku wehliyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo xubnihii la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinka maamulka K.M.G ah ee Kismaayo iyo saraakiisha ciidamada.
Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda ee gaaray magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan waxgaradka, maamulka iyo saraakiisha ciidamad si looga arinsado maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka
Idalenews mogadishu