Madaxweyne ku xigeenka Maamulka KMG Ee Jubba ayaa safar aan horay loo sii shaacinin ku tagay degmada doolow ee gobolka Gedo.
Gen C/laahi Ismaaciil Fartaag iyo wafdi uu horkacayo ayaa si kadis ah ku tagay Dolow halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay.
Waxa uu madaxweyne ku xigeenku kulamo kala duwan la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidanka iyo maamulka,
Kulamadaas ayaa waxa ay diirada ku saari doonaan Gen Fartaag iyo dhinacyada kale xaaladihii ugu dambeeyay gobolka iyo xiisadii colaadeed ee dhowaan ka bilowday gobolka siiba degmada Baladxaawo ee gobolkaas.
Dhinaca kale waxaa maanta lagu wada in ay u baqoolaan baladxaawo wafdi uu horkacayo wasiirka difaaca DFS oo ku sugan garbahareey si ay arinta dagaalkii ka dhacay baladxaawo u galaan xal nabadeedna uga dhaliyaan .
Weli waxaa isku horfadhiya baladxaawo ciidan ka kala tirsan DFS siiba kuwo taabacsan maamulka KMG jubba iyo kuwa kale oo la jira DFS balse ku abtirsada maamulka Ahlusuna ee ka howlgala buuloxawo.
Idale News Online, Doolow.