Daawo: Wafdi kale oo xildhibaano iyio Siyaasiyiin isugu jira oo gaarey xarunta shirka Maamul Goboleedka KG ee Baydhabo

0
173

Wafdi Xildhibaano iyo Siyaasiyiin isugu jiro oo Hogaaminayo xildhibaan Maxamed Ibrahim Xaabsadeayaa  gaarey Magalaada Baydhabo, waxaan wafdiga garoonka diyaaradaha Shargaduud Airport ku soo dhaweeyey masuuliyiinta degmada, odayaal iyo dadweyne aad u tiro badan oo ruxaayey calanka dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya oo dhowaan dhidibada loo taagi doono.


baydhaboXaabsade

Wafdiga ayaa ka soo ambabaxay caasimada soomaaliya ee Moqdishu kuwaasoo isugu jiray xildhibaano iyo siyaasiyiin mug weyn ku leh gobolada koonfur galbeed ee soomaaliya, ay ku wajahan yihiin magaalada caasimada ahi Baydhabo janaay. Ujeedaada wafdiga gaarey halkaasi ayaa la sheegey inuu yahay ka qayb-galka shirka maamul u samaynta KG Soomaaliya.

Wafdigani yimid Baydhabo waxa ku dhex muuqday godoomiyihii hore ee gobalka Bay; Md. C/fatax ibraahim geesey, kaasi sida xog hoose ay shabakadda warbaahinta Idale News Online(INO) ay heshey mid ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada jagada madax-weynenimada Maamulka KG soomaaliya, shirkaasi oo ah mid beelaha oodwadaagta ah ee 6da gobol ee koonfurta soomaaliya ay kaga tashanaayaa mashiirkooda.

Arrintaani waxay ku soo beegantey, xilli labo maalin ka hor maagalada Baydhabo janaay ay gaareen xildhibaano uu hogaamiyo Sharif Xasan Sh. Aadan iyo wariiso tirsana dowladda kalsoonida lagala laabtey ee Dr. Saacid,Oo ay ka soojeedaan gobolada koonfureed ee soomaaliya.

Ugu dambeynti, dhowaan ayaa la filayaa in magaalada soo gaaro godoomiyaha baarlamanka soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaarey.

Idale News Online, Baydhabo