Wafdi ka socda IGAD oo gaaray kismaayo, kulan na la qaateen madaxweynaha jubaland Axmed Madoowe

0
189

 

Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose, iyadoo wafdigan ay kulamo la qaadanayaan odayaasha dhaqanka iyo maamulada iska soo horjeeda.

Sida ay sheegayaan wararka Wafdigan uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee IGAD Maxbuub Macalin iyo Saraakiil kale, iyadoo wada hadalo kula yeeshay jaamacada Kismaayo Axmed Madoobe oo 15-kii bishan loo doortay Madaxweynaha Jubaland.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga IGAD ay hordhigeen Axmed Madoobe inuu xiisada dejiyo, isla markaana waxay ugu baaqeen in xasilooni la muujiyo.

Sidoo kale waxay la kulmeen odayaashii dhaqanka ee soo doortay Axmed Madoobe, iyagoo dhankooda ka codsaday inay ka qeyb qaataan xalinta khilaafaadka.

Wafdiga ayaa sidoo kale haatan kulan kula leh Garoonka diyaaradaha Kismaayo wafdigii ay dowladda u dirtay magaalada, iyagoo ka wada hadlay xaalada Kismaayo iyo xalka la doonayo in loo helo xaalada murugsan ee magaalada ka jirta.

Shalay ayay aheyd markii wafdigan IGAD ka socday ay Muqdisho kula kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Saacid, iyagoo kala hadlay xaalada Jubooyinka.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Idale News Online Mogadishu