Wafdi Ka Socda Dowladda Oo Ku Sii Jeeda Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool

0
172

Wafdika socda dowladda  isugu jira wasiirro. xildhibaanno iyo maamulka gobalka Bakool ayaa saka lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Xudur  ee xarunta gobalkaasi, waxaana halkaasi ka soconaya qaban qaabo ku aadan soo dhaweenta wafdigaasi.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafdigaasi ayaa hadda ka socota degmada Xudur,  iyadoo garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi ay ku suganyihiin odayaal, waxgrad, haween, dhalinyaro iyo guud ahaan qeybaha bulshada ee ku nool gobolkaasi, kuwaas oo u diyaarsan soo dhaweynta wafdiga dowladda.

Wafdiga ka socda dowlada Federaalka ayaa waxaa ka mid ah wasiirka amniga Qaranka, wasiirka Gaashaandhiga, wasiirro kale iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, waxeyna kulamo la qaadan doonaan bulshada gobolka, iyagoo u kuurgalaya xaalada nololeed ee bulshada iyo baahiyaha kala duwan ee halkaasi ka jira.

Waa markii ugu horreeysay ee wafdi ka socda dowladda uu gaaro gobolkaasi tan iyo markii laga xoreeyay maleeshiyaadka Shabaab, oo dhibaatooyin ba’an ku hayay shacabka ku nool gobolkaasi.

Xudar Hadama

Idale News Onliine, Xudur