Urur gobolledka IGAD ee xaruntiisu tahay magaalada adds ababa ee caasimada dalka ethiopia ayaa shir uu ku qabtay adds ababa oo looga hadlayay sidii looga hor tagi lahaa abaaraha soo laa laabta ee ka dhaca dalalka geeska africa waxa dowladihii ka qayb galay ka mid ahaa Dowladda Federaalka Somalia.
Wasiirka wsaaradda khayraadka dalka ee Dowladda Somalia C/risaaq Cumar Max’ed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin ,wasiiru dowladaha Maaliyadda Maxamed Rashiid Shikh Dahir ,wasiir xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Maxamed Aadam ahmed Iyo Xubno Kale ayaa dowlada somalia uga qayb galay shirkaasi looga hadlaayay abaaraha geeska africa.
Wasiirka wsaaradda khayraadka dalka ee Dowladda Somalia C/risaaq Cumar Max’ed oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa si faahfaahsan uga waramay shirka ay ka qayb galeen iyo waxyaalihii lagu soo qaaday.
“Shirkaan mudo ayaa la soo waday, waxaana saldhig u ahaa abaarihii soo laa laabtay ee ka dhacay dalalka Horn Of Africa ,waxaana abaarahaasi ay saamayn ku yeesheen ilaa iyo 13-milion oo qof, khaas ahaan somalia 2-milion ayaa wax ka soo gaadheen ilaa 30,000 ayaana ku dhintay, Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan noqotay in IGAD Ay isugu yeerto dalalka abaarahaasi gaadheen ,waxaana la sameeyey ajande loga hortagaayo kaas oo loogu magac daray SOO AFJARIDA ABAARAHA DABA DHEERAADAY,somaliyana kaalin muhiim ah ayay kaga jirtay” Sidaas waxaa yiri wasiirka khayraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed.
Wasiirka oo shirkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo ka hadlaysa arrimaha abaaraha somalia iyo waxyalihii laga dhaxlay , waxaana uu shirkaasi ka sheegay in somalia ay ka mid tahay dalalka geeska africa ,isla markaana ay dhibaatada abaaraha kala siman tahay dalalka kale ee africa.
“Somalia waxay ka mid tahay dalalka ay ka jirto dhibaatooyinka laga dhaxlay arrimaha abaaraha,waxaana aaminsanahay in dhibka ka dhashay abaaraha ee gaadhay somalia uu la mid yahay waxyeelada dalalka kale ee africa ka soo gaadhay arrimaha abaaraha”
Wasiirku waxaa uu sidoo kale sheegay in somalia la siin doono dhaqaale gaadhaya 20-milion oo doollar , si wax looga qabto is bed bedelka dhibaatooyinka abaaraha ee ku dhufta dalal badan oo somalia ugu muhiimsan tahay.
Dalalka shirka ka qayb galay ayaa waxa ka mid ahaa ,somalia,south sudan,Kenya iyo dalal kale oo iyagu ku jira liiska dalalka Africa ay saamaynta ku yeesheen abaaraha soo noq noqday.
Si kastoy ahaataba,waa shirkii ugu horeeyey oo dowladda somalia ay ka qayb gasho iyadoo oo ah dowlad rasmi ah,waxaana shirkaasi uu mid looga hadlaayay arrimaha abaaraha geeska africa iyo sidii looga hortagi laha.
Idale News Muqdisho