Wadooyinka Ku Dhaw Madaxtooyada Soomaaliya Oo La xiray

0
207

Muqdisho(INO)Waxaa goor dhaweyd la xiray wadooyinka ku dhaw xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo lasoo dhigay ciidamo aad u badan oo Milateriga Soomaaliya ka tirsan.

Ciidamadaan ayaa xiray gabi ahaanba wadooyinka, waxa ayna baareen jidadka ay xireen, oo ciidamo wata qalabka miino baarista ayaa ku dhaqaaqay baaritaanka wadooyinka ay xireen.

Isgoyska Dabka laga soo bilaabo ilaa aaga Madaxtooyada ayaa la xiray ma jirto gaadiid dadweyne oo halkaasi isticmaalaya, marka laga reebo kuwa ciidamada Dowladda ay wataan.

Sidoo kale waxaa la xiray wadada kasoo baxda xarunta Madaxtooyada ee marta Isgoyska Umbulutooriyada ee toos u gasha Dekada Magaalada Muqdisho, ciidamada Milateriga ee Koofi gaduuda ayaa xiray oo baaris halkaasi ka sameeyay.

Sababta wadooyinka loo xiray lama garanaayo, balse waxaa jirta hadal hayn badan oo ku saabsan in maanta la filaayo in Magaalada Muqdisho uu soo gaaro Xoghayaha Arimaha Dibada dalka Mareykanka John Kerry oo dalka Kenya ku sugan.

Ammaanka nawaaxiga Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale la adkeeyay oo goobahaasi waxaa la geeyay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Dowladda.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo Imaanshaha Kerry ee maanta, balse xubno Dowladda ka tirsan ayaa sheegaya in maanta ama beri uu imaanaayo Kerry Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here