Xudur(INO)-Maamulka degmada Tiyeeglow ee gobalka Bakool ayaa sheegay in dhowaan ay billaabi doonaan howlgallo lagu furayo waddooyinka xiran ee gobalkaasi.
Maxamed Cabdalla Xasan ayaa sheegay in howlgalladan lagu doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka maadaama aanay wax baabuur ah gali Karin degmooyin kamid ah Bakool.
Howgaladan ayuu sheegay inay ka kaashan doonaan ciidamada dowladda iyo AMISOM ee ku sugan gobalka Bakool
Gobolada Bay iyo Bakool, waxaa ka jirta xaalad banii’aadamnimo oo aad u daran, waxaa halkaasi xiran waddooyinkii ay sii mari lahaayeen gargaarka iyo sahayda loogu talo galay dadaka tabarta daran ee ku sugan deegaankaas.
Idale News Online, Xudur.