Muqdisho(INO)-Shacabka kunool Dalka Sierra Leone ee Galbeedka Qaarada Afrika ayaa lagu amray in guryahooda aysan kasoo bixin mudo sadax maalin ah , si looga hortago in Cudurka Dilaaga ah ee Ebola uu mar kale ku faafo Dalkaasi.
Dowlada Sierra Leone ayaa amar ku siisay shacabka dalkaasi in ay guryahooda ku ekaadaan banaankana aysan usoo bixin mudo sadax maalin ah, waxa ayna Dowladu sheegtay in arintaan uga gon leeyihiin in laga hortago in mar kale uu cudurkaasi faafo.
Magaalooyinka waa weyn ee Dalka Sierra Leone ayaa Hay’adaha caafimaadku sheegeen in mar kale uu sara u kacay dadka u haleelayo cudurkaasi, waxa ayna dowlada ay wadaa dadaalo ay ku dooneyso in ay ku kala ogaato dadka cudurka qaba iyo kuwa aan qabin.
Cudurka halista badan ee Ebola ayaa Dalal kuyaala Galbeedka Qaarada Afrika waxa uu ku dilay dad ku dhaw 10-kun oo qof, Cudurkan ayaana ah mid dadka uu ku dhaco si deg deg ah u dila, waxayna qaadataa muddo 21 maalmood ah in la ogaado in cudurkaasi uu qofka qabo, waxaana astaan u ah ama lagu dareemaa Qandho saa’id ah.
Idale News Online, Sierra Leone.