Istanbul (INO) — Wadfuud ka kala socota Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa kusii qulqulaya dalka Turkey, halkaasi oo Beri ka furmaya Wadahadlkooda Mudada soo socday.
Wafdiga Somaliland waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulkaasi Maxa’ed Biixi Yoonis, waxaana la sheegayaa inay Maanta oo Sabti ah gaareen Magaalada Istanbul.
Dhanka Dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay Caawa gaaraan Dalka Turkey, iyadoo Wafdiga ka baxaya Muqdisho ay isagu jiraan Wasiiro, Xildhibaano iyo C/kariin Xuseen Guuleed oo Garwadeen ka ahaa Wadahadaladii hore.
Maalmaha Axada iyo Isniinta ee Beri ka billaabaysa ayaa la filayaa inay Wadhadalada socdaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in Dhamaadka Wadahadalka uu noqday mid Somaliland dib ugu soo laabatay Soomaaliweyn, halka Maamulka Siilaanyo uu doonayo in loo aqoonsado Dowladda ka go’day Soomaaliya.
Sheekada ayaa ah mid Waqtiga lagu luminayo, oo Caalamka Malaayiin doolar looga cunayo Wadahadal aan miro dhal ah, oo iska socda Mudo Sanado ah, iyadoo inta la ogyahay labada dhinac ka meer-meeryaan “Runta”.
Idale News Online – Istanbul, Turkiye.