Wadahadalada Stanbul oo maalintii 2aad galay.

0
215

Istanbuul:Wadahadalada magaaladaa Stanbul uga socda Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa galay maalinkii 2aad, waxaana lagu soo waramayaa in labada dhinac ay kala joogaan labo  mowqif oo aad u kala fog.

Wafdiga ka socda Dowlada Somaliland, ayaa iyaga ku adkeysanaya inaan marnaba laga hadli karin oo aan gorgortan la galin karin Gooni isku taagooda.

Wafdiga DF Soomaaliya  ayaa iyana dhankooda ku adkeeysanaya, in Midnimada Soomaaliya ay tahay mid muqadas ah, laakiin laga wada hadlo waxyaabaha lakala tabanaayo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idin soo gudbin doonaa Insha Allah..

Turkiga

Idale News Online, Istanbul.